Garbahaareey oo la isku farasaaray

Magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa waxaa uu dagaal ku dhex marey ciidamada dawlada iyo Alshabaab,iyadoo qasaaraha dagaalkani uu geystey ay kasoo baxayaan warar kala duwan.

Dagaalkan ayaa bilowdey kadib markii ciidamo ka tirsan alshabaab ay gudaha u galeen xaley saqdii dhexe iyagoo weerar ku qaadey xarumo ay ciidamada dawladu degenaayeen.

Dagaalkan oo ahaa mid xoogan oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsadey ayaanan la ogeyn ilaa iyo hada khasaaraha labada dhinac wallow ay jiraan labo qof oo rayid ah oo ku dhaawac mey dagaalka lana dhigey isbitaalka magaalada Garbahaarey.

Goobjooge ku sugan degmada Garbahaareey ayaa sheegey in uu dagaalku ahaa mid culus argagax weyna ku shacabka ku dhaqan magaalada maadaama ay aheyd xili la hurdey,iagoo intaasi ku darey in dadka dhaawacmey ay ku jireen guri kadib markii bam lagu tuurey.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha dhabta ee labada dhinac soo kala gaarey waa Alshabaab iyo dawladee balse madaxda ciidanka ku sugan Garbahaareey ayaa sheegey in ay alshabaab ka saareen magaalada halka ay sheegayaan in alshabaabna ay iyadu ka baxdey.

Magaalada ayaa iyadu saaka laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah kadib markii uu dagaal culusi dhacey waxaa sidoo kale ay ciidamada dawladu ka wadaan magaalada baaritaan.

_____________________________________________________
Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 5, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login