Marwada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Casho Sharaf u Sameysay Haweenka ka Midka ah Baarlamaanka.

Muqdisho, September, 05, 2012 - Marwada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Hodon Siciid Ciise ayaa xalay Casho sharaf u sameysay Haweenka ku jira Baarlamaanka, Qaar katirsan ururada haweenka, Ururada Bulshada Rayidka ah, Faniiniin iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadashay Marwo: Sahra Qorsheel oo ka mid ah Xildhibaanada Soomaaliyeed, Iyadoona sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay noqdaan kuwa midowbay oo aayahooda ka tashada islamarkaana ay yeeshaan cod wada jir ah.

“haweenka Soomaaliyeed waxay soo mareen halgan dheer balse waxaa loo baahan yahay maanta in aan ka tashadaan mustaqbalkooda siyaasadeed si loo tuso Raga in Dumarka Soomaaliyeed lee yihiin codka ugu badan, taasna waxaa lagu gaari karaa in haweenka Soomaaliyeed ay ka tagaan nin jecleysiga, qabyaaladda, Lacag doonka, waan in dalka iyo dadkaba maanta ugu hiilinaa codkeena waxaadna ogtihiin in haweenka codkooda dhinucuu raaco guusha ayaa raaceyso marka xubnaha Baarlamaanka dardaaran baan oronayaa”

“Xukuumadaan waxay muujisay isbadal aanay dalka ka qaban Xukuumadiihii ka horeeyey waxaana muuqata in Dr.Cabdiweli maanta marka uu xilka wareejinayo inuusan dalka ugu tagayn qabyo oo uu dhameystirey dowladnimada Soomaaliya oo uu ka saaray KMG, marka waxaan idin leeyahay idinkoo u fiirsanaya waxaa ila sax ah in Cabdiweli uu yahay shaqsiga ugu haboon oo dalka wax u soo qabtay, shaqada soo socotana aan ku aamini karno oo aan kalsooni buuxdo ku dooran karno”

Wasiiradda Haweenka iyo Arrimaha qoyska Soomaaliya Marwo Maryan Aweys ayaa xustay doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin siyaasadda dalka, loona baahan yahay in haweenku la yimaadaan midnimo, Islamarkaana tilmaamtay in Xukuumadu isbadal badan ku samaysay horumarka Dumarka taasna amaanteeda leeyahay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli.

Marwo Hodon Siciid Ciise ayaa u mahadcelisay ka soo qeybgalayaasha Casho Sharafta waxeyna marwada u sheegtay haweenkii ka soo qeybgalay xaflada in halgankii dumarka uusan wali dhamaan sidaas daraadeedna loo baahan yahay in xildhibaanada dumarka ah ay noqdaan muruqa haweenka Soomaaliyeed oo ay ku hadlaan codka dumarka ay ma talaan doodahoodana ku muujiyaan sidii loo hormarin lahaa dumarka.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in xukuumadiisa ay ka shaqeysay in haweenka Soomaaliyeed ay helaan qondada ah 30% balse iminka ay muuqato in 17% ay heleen uu rajeynayo in wax badan ka qaban doono arrimaha haweenka hadii uu ku guulaysto tartanka madaxweynanimada Soomaaliya.

—Dhamaad—


Diraac Salaad Fagaase |  Communication Director, office of the PM
___________________________________________________
 
Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 5, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

2 Responses to Marwada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Casho Sharaf u Sameysay Haweenka ka Midka ah Baarlamaanka.

  1. Waa Runtaa Awoowe Yusuf

    Allaylehe iyo Allaa I lehe, Tajo Baden baa jidha, Larkin Somalida lagu yiqiin dalladdaha aqlaaqda waxay yiraahdaan,

    1- Haddaanay Xamar Xuduntaadu ku aasneeyn, hadaadan ku soo korin nolol aan gaajo, dhib, munkarnimo, afaaro qabiil soo arag. Iyo labadaada waa lid haddayan dariska xaqdhowr siinini, oo maalin walba waxii ku dhalay ku Jireen -Kabteey a away, Kasheey aaway WAA AY ADAG TAHAY INAAD GARATAA AHMIYADDA NOLOSHA IYO XUQUUQDA BANI’AADANIMO

    (BAL EEG AYAMAA BAARLAMAAN U ORDAHAYA, IMISAA XUDUNTOODA XAMAR KU AASAN
    IMISAA XARAFKA ” XUQUUQ” XAYADEEDA, XISHOODKIISA, XAKAMEENTEEDA IYO XILKEEDABA XAMBAARI KARO?

    Ayeeyo kulmiso

  2. Somalidu waxay tiraa Af-wax cunay xishoo?

    Soow arinkan uma eeka laaluush Cashaan kuu sameeyey codkiina na siiya?

    sidaan u arko waa khalad cashada xiligan loo sameynayo Masuuliyiinta Baarlamanka.

    Casho yar la cuno waxa ka weyn Qaranimada Umada Somaliya,meeshana Muqdisho baahi aad u weyn aya ka jirta sidaas ha loo ogaado.

You must be logged in to post a comment Login