Musharixii ugu horeeyey beesha Murusade oo Muqdisho kaga dhaqwaaqay in uu musharax madaxweyne Daawo sawirada

Xaflad si aad ah loo soo agaasimay isla markaana lagu soo dhaweynayey musharaxa Jeneral Cismaan Xaaji Cumar Yare (Faalko) ayaa lagu Qabtay gudaha garoonka adan cade international Airport  ee Magaalada Muqdisho waxaana uu munaasibada kaga dhawaaqay  in uu yahay Musharax u taagan Qabashada Madaxweyne ee dalka  wuxuuna intaa ku daray in uu mudanyahay anan laga Mudneyn.

Garoonka Diyaradaha caalamiga aadan cade ee magalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo degay Musharax janeral  Garyaqaan Cusman haji cumar falko oo ka mid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxtinimo ee dalka Soomaaliya.

Xafladii lagu oo dhaweynayey Musharaxa faalko ayaa waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiin saraakiil ciidan odayaal dhaqameed dhalinyaro ururka haweenka culimaa’udiiniyo marti sharaf kale oo ka qeybqaadaneysay soo dhaweynta iyo marxabeynta  iyagoo dhamaantood wajiyadooda laga dheehanayey sida ay ugu faraxsan yihiin xilka uu isku soo taagey Jeneral Falko iyaga oo tilmamey inuu yahey nin u qalma lehna aqoon iyo khibrad uu ku samata bixin karo  diinta dadkaba .

Waxayna ruxayeen caleemo qoyan iyo sawiradiisa taasoo ay ku muujinayeen sida ay raaliga uga yihiin musharaxnimadiisa, “Waxaan ka codsanayaa ineey i doortaan xildhibaanada la soo xulaya aniga waligeey laaluush ma qaadanin inta aan Somali usoo shaqeynayey ma aheyn dadka shilimaadka qaata waxaana ugu shaqeyn doonaa si daacad ah Shacabka Somaliyedna si cadaalad ku jirta ayaan ku maamuli doonaa inshaa alaah hadii aad i doorataan ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyey Jeneral Cusmaan (Falko)

Waxaa ka mid ahaa masuuliyiintii goobta hadalada ka jeediisay muusharax Ra,iisul wasaare ku xigeenkii hore ahaana wasiirkii arimaha dibada Maxamed Cabulaahi Oomaar oo isna goobta kaga dhawaqay in uu yahay musharax utaagan hanashada xilka madaxwyenenimo ee dalka wuxuuna ku tilmamay in ay tahay doorasho xalaal ah isaga oo hadalkiisa sii wato ayuu ku macneeyey mushaax faalko in uu leeyahay  karti iyo awood uuna istaahilo in uu isi soo sharaxo lana doorto isaga .

Soo dhaweyn ka dib ayaa shir jaraaid ee uu ku qabtay gudaha garoonka waxa uu ka warbixiyay ujeedka socdaalka uu ku yimid magalada Muqdisho oo uu ka dhawaajiyay inuu u yimid sidii uu uga qeyb gali lahaa doorashooyinka madaxtinimada oo uu rajo wanaagsan ka muujiyay inuu ku guulaysto xilka madaxtinimo ee dalka.

Musharax  Abuukato jeneral  Cusman haji cumar falko oo sidoo kale si kooban uga hadlay waxqabadkiisa hadii uu guulaysto ayaa waxa uu balanqaaday inuu xooga saari doono daryeelka ciidamada iyo xoojinta amaanka iyo xasiloonida dalka.

Janeralk Cusman Falco musharaxa xilka madaxtinimo ayaa waxa uu ugu dambeyntii ugu baaqay Xildhibanada inay raacaan hab lagu heli karo dowladnimda iyo xalka umada somaliyeed.

waxa uuna ku amaaney dabeecad wanaag iyo hab la dhaqan wanaagsan isaga oo ku celceliyey kana codsadey Somaliya ineey doortaan Jeneral Falko waxaan dhihi lahaa wadankiina ha gadanina ee u daneeya dadkiina iyo dalkiina ayuu yiri Jeneral Cusmaan Falko.

Musharaxa jn cusman falko ayaa waxa uu ka mid yahay in ka badan 50 murahaxiin ah oo u taagan xilka madaxtinimada dalka oo la filayo in dhawaan ay doorashada madaxweynaha ka dhacdo magalada Muqdisho.


___________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 5, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Musharixii ugu horeeyey beesha Murusade oo Muqdisho kaga dhaqwaaqay in uu musharax madaxweyne Daawo sawirada

  1. waan u hambalyeynayaa murashaxa sharafta leh e gartay in uu u istaago wadankiisa waxna u qabto dhibaatadana kasaaro alle hala garab galo beeshaan majecla siyaasadda lkn boos wanaagsan wey kagali kartaa lkn waxaa yaab ah see beeshan loo siiyey 7 xildhibaan soo sideed malahaan jirin

You must be logged in to post a comment Login