Nin Australian ah oo lagu eedeeyey in uu hubeynayo ciidamo gaar ah oo ku sugan Puntland!

Baarayaasha qaramada midoobay ayaa sheegay in ruux u dhashay Australia in uu maalgelinayo uuna ka mas’uul yahay ciidamo gaar ah oo uu leeyahay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland.

Guddiga kormeerka Soomaaliya oo ah koox ay QM u magacawday inay la socoto arrimaha Soomaliya ayaa waxa ay sheegeen in Lafras Luitingh uu yahay hogaamiyaha koox tababaraysa isla markaana qalabaynaysa ciidamo xoog leh.

Barnaamijkan uu ka wado ninkan haysta dhalashada Australia ayaa lagu tilmaamay in uu yahay kan labaad ee ugu weyn ee dhinaca ciidamada ah marka laga reebo ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda midowga Afrika ee jooga Soomaaliya.  Waxana uu barnaamijkan yahay mid ciidamo gaar ah oo uu leeyahay madaxweynaha Puntland.

Mr Luitingh oo ka soo jeeda Koonfur Afrika ayaa waxa uu qaatay jinsiyada  Australian sanadkii 2009. Waxana uu degen yahay dhisme weyn oo ku yaal magaalada Sydney.

Guddiga kormeerka ayaa waxa ay sheegeen in shirkado midoobay oo lagu magacaabo Saracen iyo Sterling Corporate Services loo koreystay in ay tababaraan isla markaana qalabeeyaan ciidamadan ku sugan Puntland.

Matt Bryden oo madax ka ah guddiga kormeerka ayaa ku eedeeyey shirkadahan inay diideen inay warbixino ka keenaan qalabka ay geeyaan Soomaaliya, hase yeeshee Saracen  waa ay diiday in ay ka jawaabto codsiyada guddigu uu u jeediyo.

“Shixnado badan oo kaalmo milatari ah ayaa ay Saracen geeyeen Soomaaliya marnaba warbixin kama aysan siin guddiga barista arrimaha Soomaaliya.”ayuu yiri Matt Bryden. Dadka ka dambeeya Saracen iyo Sterling ayaa badankood ah calooshood u shaqeystayaal Koofur Afrika ka yimid waxaana ugu caansan Mr Luitingh.

Waxana uu ninkan xubin ka ahaa ciidamo gaar ah oo ka soo horjeeday xilligii midabtakoorka ka jiray Koonfur Afrika. Waxana uu mas’uul ka ahaa sida ay daabacda ABC NEWS dilal iyo olole bambooyin lagu garaacay dadka ka soo horjeeday midabtakoorka Koofur Afrika.

Ciidamada gaarka ah ee laga dhisay Puntland ayaa lagu qiyaasay in ay tiradoodu kor u dhaafayso illaa kun nin kuna hubeysan dayuurado dagaal,Helicoptero iyo inka badan siddeetan baabuur.
Waxana lagu maalgeliyey ciidamadan lacag gaareysa $50 million oo ka timid Abu Dhabi.

Warbixintan ay daabacday ABC ayaa waxaa lagu sheegay in hogaamiyaasha beelaha So

omaalida iyo dadka Koofur Afrikanka ah ee tababaraya ciidamadan ayaa waxa ay ku tilmaamaan inay yihiin ciidamo la dagaalama burcad badeeda balse baarayaasha QM ayaa waxa ay sheegayaan in ay yihin ciidamo gaar ah oo aan ujeedadooda dhabta ah la ogeyn.

Warbixin dhowaan golaha ammaanka loo gudbiyay ayaa waxa uu guddiga la socoshada arrimaha Soomaaliya u gudbiyey in lagu soo rogo cunoqabatayn shirkada Sarecen iyo madaxdeedaba maadaama ay xadgudub ku sameeyeen cunoqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.

“Cunoqabataynta aan dalbanay ayaa ah saddex qeyb, tan hore waa xayiraad dhinaca safarka ah, tan labaadna waa in la xanibo hantidooda iyo tan saddexaad oo ah in cunoqabatayn hubka ah lagu soo rogo shirkada taasoo ah in ay laga mamnuuco inay hub ama saanad milatari ay xiriir kala sameeyaan shirkado kale,”ayuu yiri Mr Bryden.

Golaha ammaanka Qarmada Midoobay ayaan weli wax go’aan ah ka gaarin talooyinka loo soo jeediyey balse haddii ay oggolaadaan waxa laga doonayaa wadanka Australia inuu gacanka geysto sidii talaabooyinka looga qaadi lahaa  Mr Luitingh.

____________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 5, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login