Shariif Xasan oo u duulay Imaaraadka Carabta

Gudoomiyihii hore Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa safarkiisa labaad Dibada ugu ambabaxay tan iyo markii loo dhaariyay Xildhibaanimada Baarlamaanka, iyadoo xilligan Shariifka galaan gal ugu jiro sidii kursiga Madaxtinimada u heli lahaa nin uu isaga wato, kadib markii uu ku guuldareystay hankiisii ku wajahnaa in Kursiga Baarlamaanka ku fariisto nin aan beeshiisa u dhalan, si uu Madaxweyne isaga u noqdo.

Diyaarad qaas ah oo ay u soo dirtay Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa galabta ka qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Air Port ee magaalada Muqdisho, iyadoo diyaaradan ay aheyd nuucii u horeysay diyaarad aan caadi aheyn oo mudooyinkan aan soo caga dhigan garoonka.

Gudoomiyihii hore Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa ku wehliyay duulimaadkiisa Xubno Xildhibaano isaga aad ugu dhowaa, kuwaasoo ka shaqeynayay ololihiisii doorashada fashilmay, ka hor inta aanay kala cadaan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaana ka mid ahaa xubnaha horay u raacay Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo ay saaxibo dhow yihiin iyo Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow oo loo yaqaano Ducaale oo ah Milkiilaha Hotelka Naasahablood II ee magaalada Muqdisho.

Imaaraadka Carabta ayaa dadaal ugu jirta inay biyo qabow ku shubto xiisada u dhaxeysa Labada Shariif, si uu Shariif Xasan uga tanaasulo galaan-galkiisa ku wajahan inuu xubno isaga ku dhow inuu u gogol xaaro doorashada Madaxtinimada Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Imaaraadka Carabta ay qorsheyneyso sidii Kursiga Madaxtinimada Soomaaliya uu u heli lahaa Madaxweyne Shariif afarta sano ee soo socoto, iyadoo Shariif Xasan la rumeysan yahay inay saldhigiisa dhaqaale ay tahay Imaaraadka Carabta.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Shariif Xasan safar deg deg ah ugu ambabaxay dalka Kenya, kadib markii Dowladda Kenya ay ugu yeertay dalkeeda si uu u taageero Musharaxa C/wali Gaas, isla markaana taageerayaasha uu Baarlamaanka ku leeyahay ay u siin lahaayeen codka Ra’iisul Wasaarihii hore Dr. C/wali Gaas.

Lama oga sida Imaaraadka Carabta ugu guuleysan karto inay meesha ka saarto damaca labe aflaha ah ee uu ku guda jiro Shariifkii hore Baarlamaanka, iyadoo dadka odorasa siyaasada ay ku tilmaameen guuldaradiisii xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka mid soo dedejisay in mustaqbalkiisa siyaasadeed ee Soomaaliya inay mugdi gashay.

____________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 5, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.