Wararka ka imaanaya degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya labo maleeshiyo beeleed aay ku dagaalameen halkaas iaydoona uu ka dhashay dagaalkaas qasaaro nafeed oo soo kala gaaray labdii maleeshiyo , dagaalka ayaa bilowday shalay gelinkii dambe isagoona soconaayey tan iyo xalay isagoona iskiis u istagaay markii danbe.
Inta la og yahay ilaa 10-ruux ayaa ku dhimatay, halka tiro intaas ka badan ku dhaawacmeen dagaaladii shalay ilaa xalay ka socday deegaan lagu magacaabo Bangalo oo ka tirsan degmada Caabudwaaq.
Dagaalka ayaa u dhaxeeyo beelo wada dego degaannada galgaduud gaar ahaan dadka kasoo kala jeeda magaalooyinka Guriceel iyo Cadaado oo ka wada tirsan Glagaduud , dagaalka ayaa waxow daba socda dagaalo iyo aanooyin qabiil oo haray uga dhacay deeganadaas .
Maamulka degmada Caabudwaaq ayaa ugu baaqay labada dhinac ee dirirtu u hdaxeeyso in aay joojiyaan dagaalada wadahadalna wax lagu dhameeyo isoogna si garaa ula hadlay maamulka Ximin iyo Xeeb oo meleshiyo kasoo jeeda aay qeeb ka yihiin dagaalka.
Nabadoonada ku dhaqan Gobolka Galgaduud ayaa ku howlan sidii ay u dhex dhexaadin lahaayeen labada beelood ee dagaalka ku dhex marayo deegaanada gobolkaas xili waraka qaar aay sheegayaan in isla maantaba oo loo madnaa in laka qaato waxii mag ahaa ee horay u dhexmaray labada beel balse dagaalka shalay uu xaqabad ku noqday in lasoo afjaro arintaa.
Gobolka Galgaduud ayaa wali u muuqdo mid aan wali ka baaqsan ineey ka dhacaan dagaal beeleedyo xili inta badan gobolada dalka aay ka gudbeen dagaal beeleedyadii joogtada ahaa.
by: Abdisalan Joker | Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login