Weerarro khasaaro geestay oo Xalay ka dhacay magaalada muqdisho

Inta la ogsoon yahay hal ruux ayaa ku dhintay Labo kalena waa ay ku dhaawacmeen ka gadaal markii Weerarro loo adeegsaday Bambaanooyin gacanta laga tuuro lagusoo qaaday Saldhig ay Ciidamada dowladdu ku leeyihiin Isgooyska Aadan Cadde ee ku yaal degmada wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.

Weeraradan ayaa ayaa dhacay xalay fiidkii, Ruuxa dhintay wuxuu ahaa nin rayid ah oo aay haleehshay risaas aay rideen ciidamada dowlada ee qaraxa lala beegsaday xili ninku uu maraayey meel ku dhaw isgoowska.

Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in illaa Laba Bambo lagusoo tuuray Saldhiga Ciidamada oo ku yaala goob Iskuul ahaan jirtay waqtigii hore balse dhawaan ay Dowladdu burburisay una badashay Suuq yar oo Ganacsatada Miisaska yar yarka ah Alaabaha saaratada loogu tala galay.

Sidoo kale Labo ka mid ahaa askarta Saldhiga ku sugnayd ayaa ku dhaawacntay Bambaanooyinka oo Kooxihii soo tuuray ay durbadiiba goobta isaga baxsadeen. Hase yeeshee Ciidamada ayaa rasaas xoogan dhinacyada u furay taas oo khasaaro soo gaarsiisay dadkii goobta ku sugnaa.

Rasaasta ka dib ayeey Ciidamadu ku faafeen xaafadaha ka ag dhaw halkaas, waxayna soo qabqabteen dad aan tiradooda la cayimin oo qaarkood markii dambe lasii daayay qaar kalena wali gacanta Ciidamada ku jira.

Dhanka kale weerar soconaayey ku dhawaad 20daqiiqo ayaa ka dhacay xaafda xoosh ee degaan weynaha madiino ka dib markii halkaas aay soo waarareen ciidamo ka tirsan kuwa Alshabaab meel saldhig aay ku lahayeen ciidamada dowlada, dagaalka ayaa leeysu adegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iaydoona laga maqlaayey xaafadaha ku dhadhaw halkaas.

Laba dhinac ee dowlada iyo Alshabaab midna kama hadal dagaalka xalay dhacay mana jiraan qasaaro ka baxsan laba dhinac eek u dagaalamay meesha balse dadka deegaanka ayaa wal wal ka muujinya soo laabshada dagaaladii ku dhufo eey ka dhaqaada ahaa ee muqdisho ka nasatay waayahii danbe .

by: Abdisalan Joker | Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 6, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login