MUQDISHO: Xaflad lagu maamuusayay guusha ay Kooxda Kubadda Koleyga Global Hotel ka gaareen Tartankii Xiddigaha Kubadda Koleyga 2012 ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Xafladdan qado sharafta ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali (Roombo) oo tilmaamay in tartankii Xiddigaha uu ahaa mid si qurux badan ku dhamaaday oo ay ku kala qabteen garoomo kala duwan, wuxuuna u Mahadceliyay Xawaaladda Juba Express oo gacan ka gaysatay tartanka, sidoo kale wuxuu maamulka Hotel Global ku dhiirigeliyay inay taageeraan mar walba Isboortiga gaar ahaan kan K/Koleyga.
Maxamed Yuusuf Maxamed oo ah ciyaaryahan ka tirsan Xiddigaha Global Hotel isla markaana ku guuleystay abaalmarintii Ciyaar Wanaagga , ayaa ku hadlay magaca ciyaartoyda wuxuuna u mahadceliyay Maamulka Hotel Global oo uu sheegay inay la garab joogeen hiil iyo hooba.
Dhinaca kale, Drs. Mina Xasan Maxamed (Shibis) oo ah Milkiilaha Hotel Global ayaa ku dheeraatay mahadcelinta XSKK iyo Xiddigihii ku ciyaarayay Global Hotel, waxayna balan qaaday in ay mar walba garab taagnaan doonto dhinaca horumarinta Kubadda Koleyga.
Guddoomiyaha GOS Duran Axmed Faarax ayaa ka dhawaajiyay siduu ugu faraxsan yahay qeybta weyn ee XSKK uga qaatay isdhexgalka bulshada iyo Tartamadii uu qabtayba, wuxuuna ku booriyay ganacsatada iyo hantiilayaasha Soomaaliyeed inay ka qeybqaataan dhiirigelinta horumarinta Isboortiga qeybihiisa kala duwan.
Ugu dambeyn waxaa halkaasi ka hadlay Xildhibaan Guure oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay markii ugu horeysay ka qeybgalka xafladdan isboorti isagoo ka mid ah xildhibaanada cusub, Xildhibaan Guure ayaa Ciyaartoyda kula dardaarmay inay xoogga saaraan Isboortiga isla markaana aysan marnaba iloobin waxbarashada oo uu sheegay inay muhiim tahay dalkuna geli doono marxalad ah Maxaad Taqaan.
Si kastaba, Xafladdan Qado Saharafta oo ku soo idlaatay jawi qurux badan ayaa waxaa xusid mudan inay ka soo qeybagaleen mas`uuliyiinta kala ah Guddoomiye ku xigeenka GOS Xasan Axmed Cabdi [Xasan Elman], Kusimaha Xoghayaha GOS ahna Guddoomiyaha XSKG Maxamed Xuurshe Xasan (Eenoow), Xubin Guddiga fulinta GOS ahna Guddoomiyaha XSF Xaaji Axmed Maxamed Coloow, Xiddigaha K/Koleyga Hotel Global iyo marti sharaf kala duwan.

![]() |
Socialize