Qudbooyinka Musharaxiinta iyo waxyaabiihi aay ka hadleen

Musharaxiinta u taagan xilka madaxweynanimda Soomaaliya ayaa maanta waxeey qodbooyin ka horjediyeen baarlamaanka Soomaaliya, qudbooyinka ayaa waxaa jeediyay xubno gaaraya ilaa 10 musharax oo nasiib u helay ineey maanta hor tagaan baarlamaanka iyadoona goor dhaweed kusoo gaba gabowday guriga umada halkaas oo aay ka bilaabtay galabta 5:00-tii galabnimo xiliga Muqdisho iyado musharax waliba uu qudbeeyay 20 daqiiqo sida aay horay u go`aamiyeen gudiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Inkastoo musharaxiintu aay aad isugu dhawaayeen marka aay ka hadlayaan wax qabadka hadane waxeey isugu jireen dad horay loo arkay wax qabadkooda iyo dad cusub oo looga fadhiyay ineey is baraan bulshada iyo baarlamaanka loga fadhiyo inneey doortaan maalinta isniinta ah ee soo socoto, marka aay ka hadalayeen dhanka amaaanka waxeey musharaxiintu soon wada hadal qaadeen in aay muhiim tahay in goobaha ka maqan gacanta dowlada lasoo dhameestiro iyon in aay dhisi doonaan ciidamada dalka ,

Sidoo kale marka aay ka hadlayeen siyaasada dowlada waxeey balan qaadayeen in aay la imaan doonaan hanaan dib u heshiisiin dhex marta dhamaan Soomaalida iyo in aay dhameestiri donan wadahadalada aay dowlada dhexe la leedhay maamul goboleedka Soomaaliland taas oo aay soo wada hadal qaadeen musharaxiintu, waxaa kaloo aay balan qaadeen dhamaan musharaxiintu in aay nabad kula dhaqmi doonaan dowladaha dariska iyo in aay abuuri doonaan jawi wada hadal kaas oo dhexmara dhamaan dadka Soomaaliyeed iyo in aay la imaan doonaan dowlad leh tayo kana baixiso dalka dhibaatada uu ku jiro.

Musharaxiinta isha lagu hayey ee qodbooyinka jeediyay waxaa ka mida madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Shariif Sh. Axmad, Ra`iisul wasaarihii xukuumadii xiligeedu dhamaaday Mr. C/wali Gaas iyo Ra`iisul wasaarihii hore ee xukuumadii tayo Mr. Maxamed C/lahi Farmaajo.

Qodobadii ugu mihiimsanaa khudbadii Shariif

Madaxweynihi xiligiisu dhamaaday Shariif Sh. Axmad ayaa ugu horen soo hadalo qaaday wax qabadkiisu ku aadnaa intii uu ahaa madaxweynhaya dalka mudadii sadexda sano ahed ee lasoo dhaafay asigoona ku faanay in dowladiisu wax badan ka qabatay xaaladaha Amaanka, Siyaasada, iyo Dhaqaalaha, iyo in dowladiisu aay wax badan ka qabtay dib u dhiska ciidamada xooga dalka uu ku tilmaamay in hada aay yihiin ciidamo leesku haleen karo isagoona ka codsaday baarlamaanka in aay mar kale su xushaan xilka madaxweynanimda dalka si uu u dhameestiro dhismaha ciidamada.

Waxaa kaluu sheegay in hadii la doorto u wax ka qaban doono

Arimaha bulshada:

In uu dhisi doono maxamadihii dalka gaarsiina doono gobolada si loo helo cadaalada waarta, In uu hor marin doono adeegyada dadweynaha sida Biyo galin, Koronto, Caafimaad bilaash ah iyo helida waxbarasho dhameestiran, in laga shaqeeyo sidii loosoo celin lahaa dadka ka barakacay dalka eek u sugan xerooyinka dibada, in lasii wado is dhexgalka bulshada lana gaarsiiyo dhamaan gobolada dalka.

Sidoo kale waxoow ka hadlay arimaah la xiriira siyaasada dibada iyo xirrirka Soomaaliya iyo waliba kan ay dowladiisu la yeelaneyso maamul goboleedyada ka jira dalka isagoona sheegay in uu sii wadi doono wadahadaladii dowlada dhexe iyo maamulka Soomaaliland uuna ka mira dhalin doono wadahadaladaas, in uu xoojin doono xirrirka Soomaaliya kala dhaxeeyo wadamada aduunka gaar ahaan kuwa dariska.

Sidoo kale waxow ka hadlay in hadii uu ku guulesto xilka madaxweynaha dalka uu keeni doono hab dhaqaalaha dalka loo maareeyo isagoo hir galin doono siduu sheegay hab lagu maamulo dhaqaalaha dalka.

Dhanka kale Mr. Farmaajo ayaa isna soo hadal qaaday kuna faanay intii uu hayay xilkii Ra`iisul wasaaha waxii uu balan qaaday iyo sida uu u fuliyay balan qaadkiisi waxowna sheegay in xukuumadiisu balan qaaday xiligaas in aay sameen doonto miisaaniyada dalka, waxow kaloo soo hadal qaaday in xiliguu u qabaneyey xilkaas aaysan ku jirin miisaniyada dowlada xitaa hal dolar balse markii uu tagayey uu ka tagay lacag dhan 7.5 milyan oo dollar asigoo ku faanay in xukumadiisi aay bilowday in aay mushaar siiso dhamaan shaqalaha dowlada sidoo kale aay ciidmaada siisay tababar, mushaar joogto ah, caafimaad, iyo daryeel loo fidiyo caruurta iyo haweenka ragoodu ku dhinteen dagaalka.

Sidoo kale Farmaajo waxow balan qaaday in uu wax badan ka qaban doono musuqmaasuqa soona celin doono dowlad wanaagi daryeel buuxana uu sii doono caruurta ku dhibaateysan dalka iyo waliba in uu dib usoo celin doono ilihii dhaqaalaha dalka hormarina doono Beeraha, Xoolaha iyo waliga degaanka.

Waxaa kaloo meesha ka hadlay musharaxiinta Salaad Cali Jeelle iyo waliba Maxamed C/lahi Oomaar oo iyana xilal wasiiro ah kasoo qabtay xukuumadihii dalka soo maray iyagoona dhamaantood balan qaaday in aay la imaan doonaan is badal dhan waliba leh kaas oo la xiriira dhinacyada amaanka dhaqaalaha iyo siyaasda iyo waliba wax ka qabashada arimaha la xiriira bulshada.

 

By: Abdisalam Joker – Qaranimo Online – Muqdisho

____________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 7, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login