Ciidamada dowlada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM ayaa ayaa maanta la wareegay goobo cusub oo ka mida gobolka shabeellada dhexe kuwaas oo aay gacanta ku hayeen xarakada Alshabaab.
Howlgaladaan oo ahaa kuwo qorsheysan ayaa saakay ciidamada dowladu ku qaadeen gaabahaas iyadoo aay u suuragashay ineey gacanta ku dhigaan iyadoon wax dagaal ahi ka dhacin sida aay sheegeen saraakiisha dowlada ee hogaamineeysay howgaladaan .
Ciidamada ayaa la wareegay degmada warshiiq iyagoona ka ruqaansaday deegaanka Ceel macaan ee duleedka magaalada Muqdisho halkaas oo ay mudooyinkii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda oo si awood leh uga saaray shabaab.
Ciidamada ayaa isku balaariyay dagmada Warshiiq waxa ayna ka sameeyeen baaritaano dag dag ah si loo xaqiijo amaanka dagmadaasi maadaama laga saaray shabaab.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login