Xildhibaanada la dhaariyay maanta ayaan wali waxaan ku jirin hogaamiyeyaashii hore ee dagaalka kuwaas oo gudiga baarlamaanku diiday ineey ka qeb noqdaan baarlamaanka cusub, balse xilibaanadaan cusub ee la dhaariyaya ayaa gaaraya sagaal xilibaan kuwaas oo u xayirnaa is qab qabsi beelaha dhexooda ah ayaa lagu hor-dhaariyay Gudoonka Baarlamaanka.
Xilibaano gaaraya 15 oo Gudiga farsamada ay horay dib ugu celiyeen ayaan wali arintooda kala cadaan , kadib markii ay ku eedeeyeen in ay galeen danbiyo, ayaa Xildhibaanadan waxaa ka dhex muuqdo xubno cusub iyo kuwo horay ugu tirsanaa Baarlamaanka.
Mudanayaasha la dhaariyay ayaa waxay kala yihiin sidaan magacyadooda.
1-Cabdi Bare Xuseen
2-Saalax Axmed Xuseen
3-Maxamuud Axmed Nuur Tarsan
4-Cabdi Raxiin Cabdi Abiikar
5-Maxamed Amiin Xasan
6-Nadiifo Maxamed Cusmaan
7-Faadumo Nuur Maxamed
8-Bishaar Ugaas Ibraahim
9 -Sooyaan Cabdi Warsame
Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in maalinimada Isniinta la dhaaridoono Xildhibaanadii ay diideen Gudiga farsamada, balse Maxkamada sare ay ogolaatay, inkastoo gudi loo saaray arrintooda ay wali shirar ka leeyihiin, balse waxaa muuqata in Xildhibaanada laga reebi doono doorashada madaxtinimada Soomaaliya oo aanay wax cod ah ku yeelan doonin dorashada dhici doonto maalinimda isniinta ee nagu soo aadan.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login