Qarax xoog leh oo ka dhacay Baladweyne

Qaraxa ayaa lagu weeraray Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan, qaraxa nuuca gacanta laga tuuro ah ayaa xalay lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Xaafadda Howlwadaag ee Galbeedka ee Magaalada Baladweyne.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu qasaaro u gaystay Ciidamada Dowladda, inkastoo aan la caddeyn halka uu la egyahay qasaarahaasi, waxaana saakay lagu soo waramayaa in Ciidamada Dowladda oo aad u hubaysan ay howlgallo ballaaran ka wadaan Xaafadda Howlawadaag ah oo goobta  uu weerarka ka dhacay sida ay dad deegaanka ay warbaahinta u sheegay.

Howlgalka ayaa hakad galiyay isu socodka gaadiidka iyo ganasigii ka jiray gudaha Magaalada sida ay xaqiijinayaan dadka deegaanka ah, waxaana xiriiro aanu la sameynay Saraakiisha Ciidanka Dowladda iyo Maamulka gobolka inoo suuro gali waysay inaan qadka Taleefonka ku haleelno.

Qaraxaani ayaa waxa uu qeyb ka noqonayaa kuwa inta badan Ciidamada Dowladda lagula eegtay gudaha Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan oo muddo hore laga saaray Xarakada Al Shabaab.

____________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 8, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.