Shariif ” hadii la i doorto AMISOM waan ka bixinayaa wadanka”

Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ah 25-ka murashax ee utaagan xilka madaxtinimo dalka Soomaaliya ayaa sheegay in hadii mar kale loo doorto hogaaminta dadka iyo waddanka uu ku dadaali doono sidii looga saari lahaa Soomaaliya ciidamada AMISOM.

Shariif Sh.Axmed ayaa sheegay in muddo labo sanadood gudahood ciidamada Dawlada ku hanan doonaan guud ahaan dalka Soomaaliya intaa kadibna laga maarmi doono ciidamada AMISOM oo hadda taageerosiiya.

Murashaxa Shariif Sh.Axmed ayaa sheegay in muhiimad gaar ahaaneed siin doono sidii ammaanka Soomaaliya loo wanaajin lahaa waxa ugu horeeya ee dagaalka uga gali doono hadii la doorto uu yahay baabi’inta cadaalad darada oo dilootay umadda Soomaaliyeed.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale sheegay in hadii fursad loo siiyo uu sii dar dargelin lahaa sare uqaadista niyada ciidamada Qalabka sida ee dawlada meel wanaagsan hadda joogaan sida uu yiri:

Hadalkaan ayuu Shariif Sheekh Axmed ka jeediyay Baarlamaanka Hortooda waxaana uu kusoo bandhigayey khudbad uu kaga hadlayey waxqabadkiisa hadii mar kale loo doorto Madaxweynaha Somalia.

_______________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 8, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login