Calansida ‘Shacabka ILAAHAY dhibka ha kasaaro’
Duuliye Asli Xasan Cabaade “Calansida” oo u rajeyneysa Shacabka Soomaaliyeed in Barrito loo hiilliyo, si ay uga baxaan dhibaatada ku daba dheeraatay .
Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Ummadda Soomaaliyeed ee nabaddoonka ah, daneeyana danaha Ummadda Soomaaliyeed, ayaa waxaannu idinka codsaneynaa oo aannu idinkula dardaarmeynaa Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Prof. Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”, ku-Xigeennadiisa iyo dhammaan Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliyeed, inaad hiillo wanaagsan oo si geesinnimo leh ugu hiillisaan Shacabka Soomaaliyeed ee baahida wayn u qaba samata-bixintooda iyo daryeelkoodaba, idinkoo cidina u daneyneynin, eegeyninna danahiinna gaarka ah, oo eegaya danaheenna guud, kana baqanaya Ilaahaygii s.w.t. ee ina abuurtay, oo aad taladana saarataan, xusuusataanna dhaartii aad ku dhaarateen Magaca Ilaahay s.w.t. iyo Kitaabkeenna Qur’aanka Kariimka ah.
Haddaba walaalayaal Mudanayaal iyo Marwooyinba, waxaan idin xusuusinayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee ku kala baahsan Qaaradaha Adduunka, iney indhahooda iyo dhagahooduba idinku soo jeedaan maalinta Barrito oo Isniin ah, Taariikhduna tahay (Sept. 10, 2012) oo ay idinka sugayaan go’aan adag inaad gaadhaan idinkoo cidina uga aabba yeeleynin, maskaxdiinnuna ku saleysantahay badbaadada Diinteenna, Dadkeenna iyo Dalkeennaba, eegayana rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed inshaa’ Allaah, illeyn ruux-waliboo Soomaali ah afkuu kala qaadaba waa: inaan badbaadinnaa oo aan daryeelnaa Shacabkayaga Soomaaliyeed, haddaba haddii uu hadalkaasi dhab idinka yahay, Barrito oo Isniin ah ayaa la’ idiinka fadhiyaa iney is waafaqaan Qawlkiinna iyo Quluubtiinnuba, inshaa’ Allaah.
Waxaanse ku raja waynahay maaddaama’ aad u badan tihiin Aqoonyahanno, waaya arag badanna leh, Soomaalinnimaduna ku dheertahay, garaneysaan ama daneyneysaanna baahida ama rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed, illeyn waa ayaga waxaad u dhaarateen inaad u daryeeshaane, u codeeya oo mudnaanta siiya Murashaxa Shacabkiisu ku kalsoonyihiin, illeyn Dawlad aan ku dhisneyn Shacab Dawlad maaha e. Bal eega saadasha Shacabka Soomaaliyeed, waa guul inshaa’ Allaah.
Barrito oo Isniin ah Shacabka Soomaaliyeed ayaad gacnahiinna god cadaw ugu daadin doontaan, (wal ciyaaddu bilaah), ama ka badbaadin doontaan inshaa’ Allaah, Ilaahay s.w.t. Ayaa wax badbaadin kara eh (Nin Xil Qaaday, Eed Qaadyey), Xilkuna Waa Ammaana ee Ogaada.
Ilaahay s.w.t. waxaan ka rajeynayaa, Inuu khayrka ina waafajiyo, aamiin.
SAADAASHU WAA GUUL
Wa Billaahi Tawfiiq
_______________________________________________________
Share on Facebook
Other Interesting posts:

Posted by
QOL Admin
on September 9, 2012. Filed under
Warka Maanta.
You can follow any responses to this entry through the
RSS 2.0.
Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.
You must be logged in to post a comment Login