Foosha doorashada iyo filashada dadweynaha (Qormo)

Mohamed Abdullahi Dhaaley | Qaranimo Online

Mogadishu (QOL)- Maalinta berrito ah waxaa lagu wadaa inay qabsoonto doorashadii madaxtinimada ee Soomaaliya, oo ah tii ugu horeysay ee gudaha dalka ka dhacda tan iyo markii ay dagaalada sokeeye Soomaaliya ka bilowdeen.

 

Doorashada waxaa ka hor-dhacay diyaar garow aan isagoo kale horay loo arag oo dadweynaha Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibada dalka jooga iyo waliba bulshada Caalamka ee arrimaha Soomaaliya daneeyaba ay ugu jireen dhacdadan taariikhiga ah ee lagu tilmaamay inay tahay mid go’aan ka gaari doonta mustaqbalka dalka.

 

Murashaxiin badan ayaa horay ugu dhawaaqay inay u taaganyihiin ka qaybgalka doorashadan i. Kuwaasina waxay si isdaba-joog ah ugusoo qulqalayeen dalka mudooyinkii lasoo dhaafay.

 

Shacabka ku dhaqan gudaha dalka gaar ahaanna Muqdisho waxay barteen dhaq-dhaqaaqyo aan waqtiyadii hore magaalada lagu arki jirin oo ay ugu horeeyaan ololayaasha ay murashaxiintu ugu jiraan ku guuleysiga tartanka.

 

Wadooyinka magaalada waxaa buux dhaafiyay tan iyo markii ay doorashadu soo dhawaatay Sawirrada murashaxiinta kala duwan oo mid kastaba uu Darbi, Boor iyo meel kasta oo Wadooyinka hareerahooda iyo goobaha dadweynaha ahba dhigay Sawiradiisa si uu taageerayaashiisa ugusoo jiito.

 

Waxaa sii dheeraa intaas iyadoo Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa kale ee gaarka loo laayahayba ay qayb ka noqdeen ololaha doorashada. Waxaana la arkayay mudooyinkii dambeba Gaadiid lagusoo rakibay Cod-baahiyayaal iyo kuwo Sawirro lagusoo dhajiyay oo magaalada dhinacyadeeda isku dhaaf-dhaafaya, iyagoo laga maqlayo Heeso iyo astaamo lagu xoojinayo taageerada murashaxa ay markaa u ololeynayaan.

 

Hadaba guddiga doorashada ayaa dhawaan ku dhawaaqay magacyada 25 murashax oo uu yiri waa kuwa sida tooska ah ugusoo baxay ka qayb galka doorashada, ka gadaal markii lasoo gaba-gabeeyay diiwaan-galinta murashaxiinta oo qaar badan ay haleeli waayeen in la diiwaan-galiyo si ay doorashada uga qayb-galaan.

 

Labadii maalin ee u dambeysay waxaa soconayay dhagaysiga Khudbadaha murashaxiinta oo Baarlamanka soo hor-istaagay una sharaxay waxyaabaha ay doonayaan inay dalka u qabtaan marka la doorto.

 

Maanta ayaa hadaba ah maalinta ugu dambeyso ee loogu tala galay inay murashaxiintu soo gaba-gabeeyaan ololahooda doorashada si ay ugu diyar garoobaan doorashada oo maanta un ay inooga harsantahay.

 

Berrito waxay taariikhdu ku beegantahay 10-ka September, waana maalinta loo qorsheeyay inay doorashada madaxtinimada dalku dhacdo.

 

Beesha Caalamka iyo dhinacyo Soomaalia ah oo hadlayna waxay ku sheegeen Berrito inay tahay maalin Taariikhi u ah dadka iyo dalka Soomaaliyeedba.

 

Doorashadan waxay soo saari doontaa hogaamiye cusub oo horkacaya dowladdii ugu horeeysay ee aan Kumeel-Gaar ahayn oo dalka loo dhisowixii ka dambeeyay dagaalada sokeeye.

 

Waxaad moodaysaa maanta hadii aad joogto Muqdisho inaanay magaaladu ahayn sidii waaya hore lagu yaqiinay. Su’aalo badan baadna is waydiinaysaa oo ku saabsan bal waxa maanta magaalada ka jira iyo isbedelka sida wayn loo dheehan karo ee Wadooyinka iyo meel kastaba laga arkayo.

 

Gaadiidkii aan kor kusoo sheegnay ee Ololaha murashaxiinta ka qayb qaadanayay ayaa aad usoo tiro batay. Waxaana soo raaca oo iyaguna batay dadweynaha kala taageersan murashaxiinta ee Wadooyinka si xiriir ah ugu teedsan iyagoo Sawirada murashaxiinta ay kala taageerayaan kusoo dhajistay Dharka ay wataan qaarna madaxa soo saartay, halka qaar kalena ay gacmaha ku wataan korna u luxayaan.

 

Waxaa la oran karaa Muqdisho waxay ku jirtaa maanta maalintii ugu dambeysay ee Foosha doorashada madaxtinimada oo waqtiyadii lasoo dhaafayba ay magaaladu la daalaa-dheceysay. Waxaana ay arrintu u egtahay inay murashaxiintu soo afmeerayaan soo bandhigista kartidooda iyo taageerada ay bulshada ku dhex leeyihiin maadaama waqtigu uu dhamaad soo gaaray.

 

Dadka taageerayaasha u ah murashaxiinta qudhooda ayaa maanta waxay ku dadaalayaan inay nasiibkooda ka dhex helaan boqolaalka iyaga la midka ah ee mid kastoo ka tirsanba uu murashax gaar ah u sacab-tumayo una qaylinayo si uu guusha u helo.

 

Waxaase arrintu ay soo afmeermeysaa marka la gaaro Saacadihii loogu tala galay inay doorashadu soo dhamaato ee maalinta Berri ah, waqtigaasina waxaa la filanayaa inay xaaladda magaaladu ka daganaato heerka ay iminka tahay oo ay joogsadaan dhaq-dhaqaaqyada Ciriirka ka dhigay Wadooyinka ee ay taageerayaasha murashaxiintu samaynayaan.

 

Intaas waxaa iisii dheer oo ay tahay inaan xuso, in berrito la malaysanayo inaanay jirin doonini wax dhaq-dhaqaaq ah oo dadweynuhu ay ku samaynayaan Wadooyinka magaalada. Waxaanaba jira in Jaamacadaha, Iskuulada iyo goobaha shaqada qaarkood la fasaxay, iyadoo la filanayo in dhaq-dhaqaaqyada ammaanku ay aad u xooganaan doonaan oo Wadooyinka lasoo dhigi doono Ciidamo fara badan si xaaladda loo dajiyo oo rabshadahana loogaga fogaado.

 

Gaba-gabada Qoraalkanna waxaan muujinayaa dareen yididiilo iyo rajo xambaarsan oo aan ka qabo doorashada berrito dhacaysa, anigoo qalbiga ku haya inay maadaama mudo dheer ay Doorashadu soo Foolanaysay, Shacabkuna la Foolanayay iminka la gaaray waqtigii ay Curan lahayd wax u wanaagsan Umadda oo ah nabad iyo xasilooni waarta.

 

Waxaana kusii darayaa inaan rajo ka muujiyo inaysan dhab noqon doonin filashada dadka qaarkiis ay ka qabaan howsha doorashada ee ah inay dhici karaan dhibaatooyin amni oo ka yimaada doorashada iyo ololaha murashaxiinta ee Xamaasadaysan oo raadkoodu uu wali kusii dambeyn doono magaalada sida ay dadka rajo-beelka is-tusayaa ay qabaan.

 

 

Mohamed Abdullahi Dhaaley | Qaranimo Online |  Mogadishu – Somali | Mohammed_dhaley@hotmail.com

________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 9, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login