Gari 2 Musharax kama Wada Qosliso!

Gari 2 Musharax kama Wada Qosliso, beri iyo hoolka ex Kooxdii fanka ee Heegan iyo Doorashada Madaxweyanaha Soomaaliya….

Waxaa Bari oo ah Maalin isniin ah 10-9-2012 ka dhici doonta hadii alle idmo Hoolkii ex Kooxdii Fanka ee Heegan ee ku Yaala Gudaha Dugsiga sare ee Jen Kaahiye’ex School Bolusiyo; ee Waaxda Janaraal Daauud ee Degmada Xamar Jabjab oo ka Tirsan Gobolka Banaadir Doorashaadii Madaxweynenimo ee ugu Horeysay 52 sano ka dib.

Doorashadaan ayey u sharaxan yihiin Musharxiin Gaaray 24 oo qaarkood aysan ku cusbeyn Taratnka Doorashada Madaxweyanaha Soomaaliya 12kiis ano ee ugu Dambeeyayna ay ka soo dhexmuuqdeen,halka kuwa kalo Fara badana ay u tahay Markii ugu Horeysay ee ay isku soo Tagan Doorasho Ceynkaan oo kale ah.

Hadaba 24ka Musharax oo Qaarkood ay isku heyb ka soo jeedaan ayaa ah mid adag oo Musharxiintu ugu Loolamayaan Kursiga Madaxtinimada Soomaaliya ee 4ta sano ee soo socota.

Hadalheynta Doorashadaan ayaa ah mid aad u badan isla markanaa ka xiiso iyo Xamaasad sareysa kuwii ka kala dhacay Mudadii u dhaxeysay 2000-2009kii Wadamada Jabuuti iyo kenya

Gari 2 Musharax kama wada qosliso hadii la lolamana mid unaa guuleysta hadabayaa noqon doona Madaxweynaha Soomaaliya ee la dooran doono hadii Alle Idmo 10ka sabtembar 2012 oo ah Maalinimo Isniin ah.

Xildhibanada Doorashada Codeynteeda ka qeybgalaya waxa ay isagu bjiraaan kuwa Cusub iyo qaar u soo joogayXubinimada Baarlamanaka ilaa 2000 oo intaasiw ax soo Dooranayay Waayo aragnimo weyna ka kororsaday ka qeybgalka Doorashada waxaana aan la sii saadaalin karin cida ku guuleysaneysa Madaxtinimada Soomaaliya inuu shariif Sheekh Axmed Difaacan doono iyo in Musharax kale ku soo bixi doono Codeyntaan xiisaha badan ee la wada sugayo Natiijadeeda.

Qoys kasta ee ka kooban Aabe, Hooyo iyo Caruurtooda markaad weydiisid yaa noqonaya Madaxweyanaha Soomaaliya 24ka Musharax ee Hardami doona 10ka Bishaan waxa uu mid aksta bixinaya aragti ka duwan kan kale Basle waxa ay ka siman yihiin Farxada ay u qabaan in Markii ugu Horeysay 62 sano ka dib Doorasho Xor iyo Xalaal ah ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho Caasimada Soomaaliya.

Musharxinta u Loolamya Madaxtinimada Soomaaliya 10ka Sabtemabr 2012 waxaa ku jira Qaar Loolan adagi ka dhaxeeyo waxaana hadaan qaab Koox u kal sameyno ay Markaasi Fooda isku dari doonaan sidatan.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed vs Maslax Maxamed Siyaad Bare

Shekh Shariif Sheekh Axmed vs Maxamed Cabdulaahi Farmaajo

Sheekh Shariif Sheekh Axmed vs Cabdiwali Maxamed Cali Gaas

Sheekh Shariif Sheekh Axmed vs Cabdulaahi Axmed Cadoow

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo vs Cabdiwali Maxamed Cali Gaas

Yuusuf Garaad Cumar Axmed vs Salaad Cali Jeele

Cabdiraxmaan Baadiyoow vs Xasan Sheekh Maxamuud

2 Musharax ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud waxaa lagu wadaa Barito oo isniin ah 10-9-2012 inay u Tiriyaan Codadaka Axmed Macalin Faqi oo u tirin doona Sheekh Shariif iyo Faarax Cabdulqaadir oo u tirin doona Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Waxaa Diyaariyay.

Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’ |  Uurdoox2011@hotmail.com 

___________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 9, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login