Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in goor dhow ay la wareegayaan magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe, kadib markii shalay gacanta dowladdu soo gashay degmadii labaad oo ka tirsan gobolkaas
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa shalay la wareegay degmada Warshiikh oo ilaa 72-KM u jirta magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Taliyaha guutada koowaad ee Ciidamada xooga dalka Jen. Maxamed Maxamuud Saney ayaa sheegay in qorshahooda xiga uu yahay sidii ay ku qabsan lahaayeen magaalada Jowhar.
Sidoo kale Afhayeen u hadlay Maamulka Shabellaha Dhexe oo la yiraahdo Daa’uud Xaaji Ciiro ayaa sheegay in Al-Shabaab inta badan isaga baxeen magaalada, ayna badankood aadeen degmada Aadan Yabaal.
Ciidamada dowladda ayaa qorsheynaya inay labo jiho ka galaan, si ay u qabsadaan magaalada, jidka koowaad ayaa ah wadada laamiga ee Balcad ka baxda, halka jihada labaad ay tahay wadada xeebta ee aada dhinaca Tuulooyinka Bari.
Wadada Xeebta ayaa muhiim u tahay in Ciidamada ay u abaaraan Gobolka labo aag oo muhiim ah, inkastoo aan la ogeyn tallaabooyinka milateri ee xilligan ku wajahan.
Al-Shabaab ayaa magaalada Jowhar qabsaday 17-kii bishii May ee sanadkii 2009-kii, xilligaasoo ay ka saareen magaalada Maxkamadihii Islaamiga.
![]() |
You must be logged in to post a comment Login