Musharaxiinta & Xawaaladaha Muqdisho

Wararka aan ka heleyno dhinaca Xawaaladaha Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Guddaha Asbuucaani ay soo food saartay Dhaqaala la’aan kadib markii ay sheegen in inta badan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimo ee Somalia ay kala baxeen dhaqaalahooda.

Xawaalada Dahabshiil,Bakaal,Tawakal ayaa iyagu sheegay inay gacanta ku haynin dhaqaalihii loosoo diray Macaamiisha, waxa ayna sheegayan inay balamiyeen dadkii lacagaha katiilay Xawaaladahaasi Asbuuca soo socda kadib markii ay sheegen inay marantahay Sanduuqyadii lacagaha ay kusoo dhici jireen.

Maamulada Xawaaaladahaasi ayaa  sheegay inay soo wajahday dhaqaala la’aan waxa ayna sheegen in lacagaha ay u haayen Masuuliyiinta Dowlada ay kala baxeen Shirkadahaasi kuwaasoo ay ku sheegen inay u diyaar garoobayan Doorashada nagu soo beegan.

Musharaxiinta ayaa iyagu la sheegaya inay lacagahaasi ku bixinaayan Laaluush dhanka Codeynta ah waxaana iminka muuqaneysa inay bilaabatay kala iibsiga xildhibaanada Dowlada si ay u iibsadaan codkooda.

Ugu danbeyntii waxaa Magaalada Muqdisho ka socda kala iibsiga Xildhibaanada waxaana barbar socda Ololo xoogan iyo xaflado ay sameynaayan Tageerayaasha Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimo ee Somalia.

_________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 9, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.