Prof Axmed Ismaaciil Samater-waa Nin u qalma jagada

Prof Axmed Ismaaciil Samater-waa Nin u qalma jagada ugu sareysa Umada Somali ee Madaxweynimo Aqoonteeda iyo kartidaadaba wuu leeyahay.

Umadaha Aduunka horumarka ka gaadhay waxay hurumarka ku gaadheen waa iyaga oo doorta Hogaanka ay is leeyihiin wuu u qalmaa jagada iyo xilka kartidaada iyo aqoonteedana wuu leeyahay,hase ahate Umada Somali iyagu dhaqan kale ayey leeyihiin dhaqankaas oo ku saleysan Qabyaalad eexasho nin jecleysi waana arinka Umada Somali ilaa hada halkaas ay taagan yihiin soo gaadhsiiyey,dhibaato kasta oo soo martey Umada Somali inta ay fadhiistaan isma yiraahdaan halkee wax ka khaldanyihiin?,sideynu wax u saxnaa? halkii ayey wali ka sii miisayan waa eexasho joogtaa iyo hab Beeleysi ku dhisan.

 
Umada Somali maanta fursad aad u qaaliya waligoodna soo marin ayey haystaan in ay iyagu doortaan Madaxweynaha ay is leeyihiin xilka wuu sii wadankaraya aqoonteeda iyi kartideedana wuu leeyahay iyaga oo aan u eegeynin deegaanka iyo Beesha uu ka soo jeedo,hadey sidaasi jirto si daacadnimo wadani Islaamnimo ku jirto lagu dooranayo Madaxweynaha Somalia waxan leeyahay ninka ku haboon waa Prof Axmed Ismaaciil Samater.
 
Qoraalkaygan kii ka horeeyey waxan ku taageerayey Madaxweyna Sheekh Shariif,walina ku taageersanahay,sababta aan sidaas u yeelayna waa dhaqanka Somali iyo sida arimuhu yihiin,in Madaxweynaha Somaliya ku soo baxayo laguna dooranayo Qabiilka uu yahay iyo deegaanka uu ka soo jeedo,loona aabo yeeleynin kartida iyo aqoonta ninka kale leeyahay,si aanu hadalkaygu isku dhaafina Prof Axmed waxan u arkayey nin Buur dusheed doonaya in uu Beer ka qoto kana sameysto.Waligeyse anigu difoose weyn ayan u ahaa Prof Axmed Isaaciil Samater,Qoraalkana waa mid ah taageero aan u hayo Prof Axmed,una soo gudbiyo Umada Somali in bal maruun aqliga laga shaqeysiiyo wadada toosana la maro.
 
Waxa kale oo jira dhaqan Umada Somali leedahay dhaqankaas oo ah in Ninka fariidkaa la oran fariid ayad tahay inta uu noolyahay,maalinta ninkaasi dhinto aya laga sheekeeya banaankana la soo dhigaa wanaagiisii oo dhan,hada ogoow waa nin fariida oo umada Somali xaqiraad ku dileen cadho iyo dhiig karna u dhintey ayey oranayan ninkaasi waxa uu ahaa nin fariida oo daacada,inta uu ninkaasi noolaa hadal naxariisa kama helin umada Somali,maanta ayan anigu halkan ka sheegaya in uu Prof Axmed Ismaaciil Samater uu yahay Geesi hadal yaqana kuna darsadey ixtiraam-Aqoon iyo kartiba,wey jiraan Dad badani in ay ku haystaan go’aankiisa uu qaatay qofkastana wuu u madax bananyahay sida ay la tahay in uu ku socdo,deegaanka Somaliland ee uu dhalasho ahaan ka soo jeedo Prof Axmed Ismaaciil Samater waxa jira Dad badan oo si weyn uga soo horjeeda,sababtuna waxa weeyan in uu ka soo horjeedo Somaliland oo gooni u istaagta,arinkaas wuu cadeystey mid uu qarsadey maha in uu doonayo in Somali mid ahato,waxii la kala tabanayana Miiska loo wada fadhiisto lagana wada hadlo.Hase ahate markaan baadhay dhaman muuqaaladiisa wareysiyada uu bixiyey meelna kuma arag hadal gaf ama cay ah oo uu kula kacay Umada sharafta leh ee reer Somaliland,haduu hadal xun ku yirina hadalkaasi isba wuu ku jiraa sababtu tahay wuu u dhashay deegaanka cidna kama xigto.
 
Umada Somali haday u doortaan Madaxweyne Prof Axmed waxa hubaala in Umada Somali ay noqon doonto Umad guuleysatey barwaaqo nabad iyo bashbashna ku waara,Prof Axmed deegaanka uu ka soo jeedo Somaliland waa deegaanka Galbeedka Somaliland waa Dad u badan Beeralay,dhaqankoodu waxa weeyan in ay kacaan 4 Subaxnimo ilaa 6 Galabnimana shaqo ku gaara,waa Beelo sharaf iyo qadarin leh,shaxaadka iyo hebal aanu is xigno aya wasiirana dhaqankooda maha,xaga waxbarashada waa Dad aad u jecel aqoonta iyo waxbarashada,waana deegaanka dhamaan Geyiga Somali degto ugu aqoonta badan yihiin Dadkoodu,maanta fursadaas aynu haysano hadaynu kaga faa’iideysaneyno, waxa mudan in loo magacaabo Madaxweynaha Umada Somali Prof Axmed Ismaaciil Samater,waana hubaal in uu wax weyn ka qaban karo kala fogaanshaha hada kala haysta Koonfur Somalia iyo Somaliland,Umaduna isku soo dhawaan doonto kalgacalkii iyo Walaalnimadii Dariskii ka dhaxeeyey Umada Somalina soo noqondoono hadii Allah yiraa.hadii uu Prof Axmed Madaxweyne noqdo xitaa Koonfur Somalia ayuu u wacan yahay sababtu tahay dhexdoodii aya waxa ka baxay is aaminkii weynu wada aragney dhamaan Dawladihii loo soo dhisay Somalia 21 kan sanadood halka ay ku danbeeyeen,ciyaartaas iyo waji qabaxdaas waxa wax ka badali kara waa Prof Axmed Ismaaciil Samater oo loo doorto Madaxweynaha Umada Somali sidaaseynu wada rajeyneynaa hadii Allah yiraa.
 
Khan Maxamed Farax.
kjawil@hotmail.com
Vancouver Canada.
 _______________________________________________
Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 9, 2012. Filed under Opinion / Fikrad. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.