Shariif oo toos ula hadlayay Soomaalida

Waxaa hadda ka soconaaya Hotelka weyn ee caanka ah ee City Palace ee magaalada Muqdisho Munaasabad ballaaran oo lagu taageeraayo Shariif Sheekh Axmed oo ah Musharrax Madaxweynenimo.

Iyadoo Maalinta Berri ah lagu wado in ay dhacdo doorashada Madaxtinimada Dalka Soomaaliya oo ay ku loolamaayaan 24 Musharrax ayaa waxaa Xafladaan soo qaban qaabiyay Taageerayaasha Madaxweynaha hadda Xilka haaya ee Shariif Shekh Axmed oo mar labaad in uu soo laabto doonaayaan.

Waxaa Xafladan kasoo qeyb galay dhamaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka ah, siyaasiyiin Caan ah oo uu ka mid yahay Cali Max’ed Geedi oo ah Reysal Wasaare soo maray wadanka Soomaaliya iyo gudoomiyihii Baarlamanka ee waqtigiisa dhamaaday Shariif Xasan Shekh Aadan.

Inta badan Xildhibanaada Caanka ah ee Baarlamanka ku jira, wasiiradii u dambeeyay ee Xukuumadihii Gaas iyo Farmaajo, Fanaaniin iyo Masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Max’ud Axmed Nuur Tarsan, ayaa Munaasabadda ka qeyb galaaya.

Dhamaan dadkii qudbadaha jeediyay ayaa si isku mid ah u tilmaamay in loo baahan yahay in Shariif Sh. Axmed waqtigaan dib loo soo doorto si uu u dhameystiro howlo horumarineed iyo mid amni oo qabyo u ah, sida ay sheegeen.

Hadba Sawirada Munaasabadda oo si toos ah looga daawanaayo Telefishinka Universal dib ayaan idin kala socodsiin doonaa.

 

___________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 9, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login