Wararkii ugu danbeeyay ee doorashada Soomaaliya

Kadib labo maalin oo baarlamaanka soomaaliya aay wadeen dhageeysiga khudnbadaha musharaxiinta oo aay uga hadlayeen wax qabadkooda ku aadan hadii aay qabtaan xilka madaxweynaha dalka yaa Maanta waxa aay ku jiraan nasasho,  iyagoo u diyaar garoobaya maalinta bari ah sidi aay u dooran lahayen qofkii lagu aamini lahaa dalka afarta sano ee soo socoto, ayaa waxaa magaalada ka jira u diyaar garow balaaran kaas oo musharaxiintu isku dayayan  inu mid waliba  ku qanciyo xilibaanada inuu cod ka helo maalinimada bari ah .

Maanta oo ah maalintii ugu danbeeyayaan  ee musharaxiintu samenayaan ololahooda doorashda  ayaa magaalada waxaa ka dhacaya kulamo gaar gaar ah iyo waliba casuumaado dhanka hoteladaa iaydoo si aado loo dareemaayo ololaha aay wadaan musharaxiintu , xili maanta aay mashquulkii ugu balaarnaa aay ku jiraan hotelada muqdisho iaygoo marti galinaayo musharaxiin iyo xilibaano

balse arinta xusida mudan waxeey tahay in laga yaabo maanta in hal xilibaan uu ka casumanyahay ku dhawaad 4 hotel taas oo ka dhigeysa maalintii ugu mashquulka badneed e soo marto muqdisho iyo xilibaanada dalka ,waxaa kaloo magaalada gaaf wareegaya gawaari lagu xiray sameecado iyo sawirada musharaxiinta kuwaas oo rondo ku sameynaya wadooyinka waa weyn ee magaalada iyadoo musharax waliba uu isku dayaayo inu is baro shacabka ku dhaqan magaalada .

Dhanka kale waxaa maanta la filayaain go,aan laga gaaro xilibaanadii lagu muransanaa ee gudigii soo xulista baarlamaanku aay ka reebeen ineey qeb ka noqadaan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya sida laga soo xigtay ilo ku dhaw dhaw gudigii loo xilsaaray go,aan ka gaarida xubnahaas , shalay ayeey ahed markii la dhaariayay qaar ka mida xilibaanadaas oo gaaraya 8 xubnood , halka la filaayo maanta in la dhaariyo qaar kale oo la filaayo ineey ku jiraan qaar ka mida hogaamiya kooxeedyadii dagaalka kuwaas oo aay ogolaatay Maxkamada sare ineey xaq u leeyihiin ineey ka mid noqdaan baarlamaanka .

Dhanka amaanka

Amaanka magaalada ayaa si aado loo adkeeyay iyadoo la arkaayo ciidamo isugu jira police malatari iyo waliba ku wa nabadsugida kuwaas oo gaaf wareegaya wadooyinka muhiim ka ah ee magaalada gaar ahaan wadada Maka al mukarama oo noqotay halbowlaha musharaxiinta iyo waliba marinka siyaasiyiinta .

waxaa kaloo jira karar loo sameeyay dhamaan dadka ka qeb galaya howlka daarshada kuwaas oo laga qaaday faro iyo sawiro si loo hubiyo qof kasta ee galaya xarunta ee ka dhaceeyso doorashada maalinimada bari ah , kaararka ayaa loo sameeyay dhamaan xilibaanada xasafiyiinta marti sharafta ka soo qeeb galeysa doorashada iyo xitaa musharaxiinta .

by: Abdisalam Joker | Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 9, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.