Midowga Africa ayaa iminka u guda galaaya diyaarinta Ra’isul wasaaraha uu yeelan doono dalka Soomaaliya, Ra’isul wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu ka imaan doono dhanka Midowga Africa oo iyagu gacanta ku haaya awaamirta Soomaaliya waxaana xiligaani Villa Soomaaliya ka socda kulamo u dhexeeya Madaxweynaha cusub iyo Saraakiil ka socta Midowga Africa.
Ra’isul wasaaraha cusub ayaa ku imaan doona rabitaanka Midowga Africa kadibna waxaa ansaxin doono Madaxweynaha Soomaaliya, inta badan talada dalka ayaa ah mid laga soo go’aamiyo dhanka Midowga Africa mana jiraan awood gaar ah uu leeyahay Madaxweynaha marka loo eego fara galinta Qaramada Midoobay iyo Dowladaha Africa ay ku hayan Soomaaliya.
Macada Ra’isul wasaaraha cusub ee ku imaan doona rabitaanka Midowga Africa balse waxaa socda iminka kulamo hoose oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo Midowga Africa kaasoo salka ku haaya xulashada Midowga Africa ee ku aadan Ra’isul wasaaraha cusub ee Dowlada Fedraalka Soomaaliya.
_________________________________________________________
Share on Facebook
![]()
|
![]() |
asc,
WALAALAYAAL YEEYNAN MARKALE SOO NOQON,IN LASOO CELIYO RAISAL WASAARIHII HORE EE SOOMAALIYA AMA KU WII KASII HOREEYAY
WALAALAYAAL SI UMMADAN U HESHIISO NABADI SOMALI KADHALATO HADII LA DOONAYO YAANAN MAR KALE LAGU SOO CELIN (DAAROOD IYO HAWIYE OO WADA NOQDA MADAXWEEYNE IYO RAISAL WASAARE) MANASABKAN HALOO CELIYO SIDII 60 KII OO KALE DADKA REER WAQOOYI EE (ISAAQA)
TAA WAXAAY KEENI KARTAA ISU SOO DHOWAASHO IYO IS JECEYL SOMALIWEYN.
WABILLAHI TAWFIIQ
midowga africa kufaarta midoowday ee wadankeena faraha nijaasta ah kula jirto.ilaaahoow naga dul qaad cadawga kufaarta ah ee nasoo hajuumay.aameen