Dibadbaxyo lagu taageerayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo ka dhacday gobolada Dalka

Dibadbaxyo ballaaran kuwaas oo lagu taageerayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka dhacaya gobolo badan oo dalkaa kuwaas oo dad farabadan aay isugu soo baxeen iaygoo taageersan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Gobolada aay ka dhaceen waxaa kamada gobolka Hiiraan halkaas oo dad taageersan aay isugu soo baxeen magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo dibadbaxaasi ay ka qeybgaleen Kummanaan dadweyne ah oo iyagu dareenkooda ku muujinayay sida ay ula dhacsanyihiin doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xasana Sheeekh Maxamuud.

Dibadbaxyo kuwaas lamida ayaa ka socdo kale magaalooyinka Guriceel, Dhuusamareeb, Cabuudwaaq iyo degamada Balcad , sidoo kale magaalada muqdisho gaar ahaan degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenleey iyo magaalooyin kale oo ka tirsan gobolka Mudug sida Gaalkacyo , kuwaas oo dhamaantood ay dadku si isku mid ah u taageerayeen isbedelka cusub ee dalka ka dhacay iyo doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya..

Dadka ku nool dibada iyo dalka soomaaliya ayaa si isku mid ah usoo dhawweeyay doorashada shalay ka dhacday muqdisho iyo waliba madaxweynaha lgu doortay ee pro.Xasan Shiikh Maxamuud.

by: Abdisalam Joker | Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 11, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login