Faroole oo durbaba taageeray Madaxweynaha cusub!

Cabdiraxmaan Faroole oo Durbaba Taageeray Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud

Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa Taageeray Doorashada Madaxweyne Xasan Shiikh loo Doortay Jagada Madaxweynaha Soomaaliya. Faroole oo hadlay intii aysan soo bixin Natiijada Doorashada ayaa mar uu la hadlayay Warbaahinta Soomaalida ayaa sheegey inuu si weyn ugu farxsan yahay soona dhaweynayo is bedelka cusub ee ka dhacay Soomaaliya.

Faroole ayaa sheegey in haatan Soomaaliya ay ka gudbayso Marxaladii hore ee ku meel gaarnimada loona gudbayo Dawlad Rasmi ah oo wax la qaybsanaysa Dawladaha kale ee Caalamka.Cabdiraxmaan faroole oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in ay wax u dhaceen sidii ay doonayeen isla markaana doorashadii Magaalada Muqdisho ka dhacday ay ahayd mid Cad isagoona soo dhaweeyay dhankooda.

Madaxweynaha Maamulka Puontland ayaa ku nuux nuuxsaday in Doorashadu ahayd mid ku dhacday sidii loogu tala galay isla markaana ay soo gaba gabowdey xiligii ku meel gaarnimada.Hadalkan Madaxweyne Faroole ayaa imaanaya xilli dhawaan uu ku hanjabay in haddii sida ay doonayaan in ay wax u dhici waayaan in ay ka fiirsanayaan aayahooda.

Dhinaca Kale Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Macalim oo ka hadlayay Doorashadii Xalay ka dhacday Magaalada Muqdisho uu si weyn u soo dhaweynayo.Xoghayaha guud ee IGAD ayaa sheegey isagoo ku hadlaya Magaciisa iyo kan Ururka inuu soo dhaweynayo Doorashada Diimoqraadiga ah ee ka dhacday Muqdisho.

Maxbuub Macalin ayaa sheegey in ay soo dhaweynayaan isla markaana ay la shaqeynayaan Madaxweynaha Cusub ee loo Doortay Soomaaliya isagoona raja wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya ay haatan ka soo kabanayso Bur burkii inta badan labaatanka Sano ay ku jirtay.

Xoghayaha Guud ee IGAD ayaa sheegey in Ururkooda uu la shaqayn doono Dawladda Cusub ee Soomaaliya ka dhalatay isla markaana ay taageerayaan is cedelka Cusub ee looga gudbay Marxaladdii ku meel gaarnimada.

Ururak IGAD ayuu sheegay Maxbuub oo Soomaaliya ay Xubin ka tahay in Doorashadaas ay ahayd mid si weyn loo soo diyaariyay isla markaana ku dhacday si cadaalad ah isagoona u mahad Celiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif oo isagu aqbalay Natiijada Doorashadaas.

Sidoo kale waxaa isaguna u hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya Wafuulo Waminyiiya oo sheegay in Ururka Midowga Afrika soo dhaweynayo lana shaqeynayo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya ay yeelatay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro | E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk  | E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 Sources: SomaliTalk.com

__________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 11, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

 

One Response to Faroole oo durbaba taageeray Madaxweynaha cusub!

  1. faroole waxa uu diidana ain labda shariif soo noqdaan taasna umada soomali oo dhan ayuu lal sin xabsida daka heysayna waa heysay ee ah in meesha laaluusha qadasho ka dhacdo marka hadeeey dhici leheyd sida laga cabsoonayay oo laba shariif meesha laaluush kusoo noqon lahayeen ayuu ka hadlay waxa uu sameen lahaa , hada madaama sidi la wada rabay ay dhacday waa ku saxsanyahay inuu cabiro rayihiisa iyo farxadiisa hanbaliyadiisana usoo gudbiyo