Madaxweynaha Jabuuti iyo Shacbiga reer Jabuuti ayaa si weyn usoo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub ee Somaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.
Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jabuuti ayaa si weyn usoo dhaweeyay qaabkii ay u dhacday doorashadii madaxtinimada Soomaaliya oo shalay ilaa xalay ka dhacday Muqdisho, isagoo u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee la doortay Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in shacabka Jabuuti ay taageero dhan walba ah la garab taaganyihiin shacabka reer Jabuuti wuxuuna madaxweynaha Jabuuti ka hadlay Telefishinka qaranka dalka Jabuuti kadib markii xalay la dhaariyay madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale shacabka reer Jabuuti oo iyagu doorashada kala socoday shaashadaha ayaa si weyn ugu hambalyeeyay madaxweynaha cusub iyo shacabka Soomaaliyeedba, iyagoo shacabka reer Jabuuti ay billaabeen fantasyo iyo dabaaldegyo waaweyn oo ay ku soo dhaweeynayaan doorashada ka dhacday Muqdisho iyo doorashada Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud.
Hobollada iyo kooxaha Fanaaniinta dalka Jabuuti ayaa iyaguna soo bandhigay heeso cusub oo ay ku taageerayaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ku soo muujinayeen sida ay ugu damqanayeen dhibaatada ay soo mareen shacabka Soomaaliyeed, waxaana irridaha loo xiray dhamaan goobaha gannacsiga sida uu ku soo waray wariyaheena Mikaa’iil C/rashiid Barre oo ku sugan Jabuuti.
Share on Facebook
![]()
|
![]() |
Socialize