Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo dhoweeyay doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, kaasoo Baarlamaanka Soomaaliya xalay u doortay Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Mr Geelle ayaa ku tilmaamay doorashada inay aheyd tallaabo taariikhi ah oo is bedel u horseedi doonta Soomaaliya, isagoo bogaadiyay qaabka ay u dhacday doorashada oo uu ku sifeeyay inay si cadaalad ah leh u qabsoontay.
Hadal uu siiyay Telefishinka Jamhuuriyada Jabuuti ayuu Madaxweynuhu ku sheegay shacabka Jabuuti ay taageero dhan walba la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyed.
Jabuuti ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidamo nabad ilaalin, waxaana ka sokow Ciidamadaas ay dadaal weyn u gashay dib u heshiisiinta Soomaalida, kadib markii labo jeer oo horay lagu soo dhisay Dowladdo KMG ah.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ah Hogaamiye is bedel doon oo aqoonyahan ah, waxaana intii aan loo dooran balan qaaday inuu Soomaaliya u horseedi doono horumar kala duwan mudada afarta sano ee uu heynayo xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.
Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa aheyd tii u horeysay ee taariikhda, kaasoo muddo 42-sano kadib ka dhacda Soomaaliya.
_
_____________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login