Soomaaliland oo u hambalyeeysay shacaka Soomaaliyeed!

Wasiirka Arrimaha Dibada maamulka Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar

Maamulka Somaliland ayaa soo dhoweeyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, kaasoo xalay Baarlamaanka Soomaaliya ay ku doorteen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed C/llaahi Cumar ayaa sheegay inay u hambalyeynayaan shacabka doorashada Madaxweynaha.

“Marka ugu horeysay Somaliland waxay u hambalyeyneysaa shacabka iyo Dowladda Soomaaliya doorashada sida amniga iyo nabada ay ku doorteen Madaxweynaha” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland.

Wareysi uu siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu ku sheegay inay taageerayaan doorashada sida cadaalada u dhacday, isagoo beeniyay inay jireen musharaxiin ay si gaar ah u daneynayeen.

“Haba yaraatee ma jirto cid si gaar ah aan u daneyneyno, Somaliland siyaasadeeda dibada wax fara gelin ah kuma sameyn dalalka jaarka ah”ayuu yiri Mr Cumar.

Mar la weydiiyay wada hadaladii u bilowday labada dhinac ayuu sheegay inay rajeynayaan in halkooda ka sii socdaan, sida uu yiri.
Xalay ayay aheyd markii u horeysay muddo 42-sano ah doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho lagu soo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya afarta sano ee soo socota.

___________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 11, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login