Qarax xoogan ayaa goor dhaweed ka dhacay xaafada Jiro garoob oo ku taal degmada Yaaqshiid, qarax ayaa la sheegay in lala beegsaday gaari hoomeey ah kaas oo kamida gawaarida BL ka loo yaqaan ee qaadan dadka shacabka ah.
Qaraxa ayaa qabsaday gaariga isagoona waxyeelo u geestay gaariga iyo waliba dadkii saarnaa gaariga oo iyana la sheegay in aay ku waxyeeloobeen, dadka ku dhintay gaariga ayaa la sheegayaa in aay gaarayaan 7qofood, balse lama ogaan karo qasaaraha dhabtaa ee uu geestay qaraxa sababtoo ah ciidmaada dowlada ayaa isku gedaamay mesha aay ka dhacday musiibadu iyagoona xabado u ridaaye dhinacyada.
Shalay ayeey aheyd markii gaari watay sawirka madaxweynihii hore Shariif Sh. Axmed lagu tuuray banbo xili uu maraayey xaafad S/Bacaad ee isla degmada Yaaqshiid.
Waxii warara ee kasoo kordha qaraxaas waxaad kaga bogan doontaan Qaranimo Online.
by: Abdisalam Joker | Qaranimo Online | MUqdisho
____________________________________________
Share on Facebook
![]() |
Socialize