Xaaska Madaxweyne Shariif oo laga waayay Isbitaalkii

Wararka aan ka heleyno dhanka Dowladda ayaa sheegaya in Xaaska Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo maalin ka hor ka dhacday Istaaga xili uu qudbeynaayay  Madaxweyne Shariif laga waayay Isbitaalkii lagu dabiibaayay.

Xaaska Madaxweynihii hore ayaa ahayd 19 Jir waxaana iminka laga dhex waayay sariirtii ay ka jiiftay Isbitaalka, lama oga halka ay ku danbeyso Xaaska Madaxweynihii hore waxa ayna wararka qaar sheegayan in Zowjada Madaxweyne Shariif ay la baxeen kooxaha nabadiidka ee Al-Qaacidada Soomaaliya ‘’Alshabaab’.

Wararka aan ka heleyno dhanka Dowladda ayaa sheegaya in Ciidamada Amaanka loo xil saaray inay baaritaano ku sameeyan halka ay ku maqantahay Xaaska Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mana cadda sababihii kadan beysay in isbitaalka laga dhex waayo balse waxaa iminka la hadal haaya inay la baxeen Alshabaab sida laga soo wariyay laba ruux oo katirsan Shaqaalaha Isbitaalka.

Xaaska iminka laga dhex baxsaday Isbitaalka ayaa la sheegaya in uu Sheikh Shariif aad u jecelyahay Marwadaasi marka la eego xaasaskiisa kale.

Ugu danbeyntii waxan xiriir qadka telka ah la sameynay Qaraabada Madaxweynihii hore waxa ayna sheegen inay la yaaban yihiin halka ay ku danbeyso Xaaska Madaxweynaha mar qurana maqleen in Isbitaalka laga dhex waayay.

____________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 11, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Xaaska Madaxweyne Shariif oo laga waayay Isbitaalkii

  1. ilaahoow run ka dhig kkkkkkkkkkkk 2 jab ha isagu darsamaan shariif tuke.

You must be logged in to post a comment Login