Ciidammada Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa wadajir u fashiliyey qaraxyo lagusoo xeray laba ruux kuwaasi oo ahaa weeraro naf halignimo ah.
Qaraxyadan oo Lagusoo kala xeray Laba dhalinhyaro waxaana lala damacsanaa in lagu weeraro Hotelkada Jaziira ee uu deganyahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.
Saraakiil ka tirsan Ciidammada ayaa sheegay in qaraxyadan ay Ciidammada ammaanka sugayey ee kuwa Dolwadda iyo AMISOM ay ku fashiliyeen meel banaanka ka ah Hotelka Jasiira.
Qasaaraha ka dhashay qaraxyada ayaanan sidaa u badneyn laakiin waxaa saraakiishu xaqiijiyeen in qaraxyadan lagu fashiliyey goobtii loosoo maleegay meel ka horeeysa.
Mid kamid ah labada ruux ee qaraxyada iskusoo xeray ayaa waxaa toogtay Ciidammada Ammaanka xili uu doonayey inuu si dhuumaaleysi ah ku galo hotelka halka midka kalena uu ku qarxan meel banaanka ka ah Hotelka.
Hotelka Jasiira ee uu deganyahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku yaala meel u dhow xeebta Jasiira ee duleedka magishoaalada Muqdisho.
WIXII WARAR H EE KUSOO KORDHA QARAXYADAN IYO FAAH FAAHINTA NAGA FILLO INSHA ALLAH.
Sources: RADIO MUQIDHO
____________________________________
Share on Facebook
![]()
|
![]() |
Socialize