BREAKING NEWS… Madaxweyne Xasan oo isku day dil ka badbaaday

Laba nin oo xirneyd jaakadaha ka sameysan walxaha qarxa ayaa waxay goor dhaw weerareyn Hotelka uu Magaalada Muqdisho uu ka deggan yahay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Hotel Jazeera oo uu deggan yahay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa weeraray laba nin oo xirneyd jaakadaha ka sameysan walxaha qarxa.

Hase ahaatee raggaan ayaa waxaa kahor tagay Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, oo iyagu la-wareegay ammaanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo laba habeen kahor loo-dhaariyay Jagada Madaxweynaha.

Markii Ciidamadda Amisom ay toogteen raggaasi ayaa waxaa la-sheegay inay isu qarxiyeen banaanka hore ee Hotel Jazeera, isla-markaana qaraxyadii goobtaasi ka dhacay, ayaa waxaa ku dhaawacmay qaar ka tirsan Ciidamadda Amisom.

Raggaan ayaa waxay Madaxweynaha soo weerareyn xilli uu doonaayay in uu Hotel Jazeera uu shir jaraa’id ugu qabto Wariye-yaasha Magaalada Muqdisho, isagoona doonaayay in uu kaga warbixiyo Ajandaha Dowladiisaan cusub.

Wariye-yaasha oo ka argagaxay labada nin ee weerarka ku soo qaaday Hotel Jazeera, ayaa waxay xilligaan gudaha ugu jiraan Hotel Jazeera, oo ay ammaankiisu suggayaan Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.

Meydadka labada nin ee isqarxisay ayaa waxay xilligaan yaalaan aafafka hore ee Hotel Jazeera, oo ku yaalla Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waana Hotelka uu xilligaan Magaalada Muqdisho ka deggan yahay Madaxweynaha cusub.

___________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 12, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.