HAMBALYO – Madaxweynaha cusub ee dawladda Federaalka

Duuliye Asli Xasan Cabaade “Calansida”
Duuliye Asli Xasan Cabaade “Calansida” oo u hambalyeyneysa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya
Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada (Dallas) ee gobolka (Texas), ayaa waxaa farxad weyn inoo ah inaannu aragnay is baddal wayn oo ka dhacay Dalkeenna Hooyo, iyadoo shalay ay ahayd Maalin Taariikhi ah, oo uu Waddankayaga Soomaaliya galay marxalad cusub, ka dib markii uu ka baxay (KMG) ka, uuna u gudbay Dawlad Federaal ah, isla markaana shalay oo Taariikhdu ahayd (Sept. 10, 2012) kii la doortay Madaxwayne cusub, Mudane Prof. Xasan Sheekh Maxamuud oo Dawladda Federaalka Soomaaliya hoggaamin doona inshaa’ Allaah, waxaan Ilaahay s.w.t. uga baryeynaa inuu u fududeeyo xilkaa wayn oo dhabarka u saaran, lana garab qabto, inshaa’ Allaah.
Haddaba Jaalle Madaxwayne, waxa’ aannu kaa sugnaaba ama kaa codsannaaba, waa inaad aad iyo aad ugu kuur gashaa soo xulitaanka Ra’ iisul Wasaare, noogu dooratidna Mas’uul u qalma Ra’ iisul Wasaarennimo, kartideeda iyo waaya aragnimadeedana leh, oo aad iska kaashataan ka samata-bixinta dhibaatada ku daba dheeraatay Shacabkayaga Soomaaliyeed, annagoo kaa rajeyneyna Mas’ uulkaa inuu noqdo, Mas’ uul sumcad wayn ku leh Shacabka Soomaaliyeed, taageersanyihiinna waxqabadkiisa iyo Tayadiisuba.
Kolleyba waannu aragnaa inuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Prof. Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”, iyo ku-xigeennadiisuba, iyo in badan oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ay Tayo wanaagsan leeyihiin, iyo Adigoo Jaalle Madaxwayne Tayo aad u wanaagsan leh, kuna kasbatay taariikhdaada iyo waxqabadkaagii waynaa ee aad ka geysatay Dalkeenna Hooyo intii uu bur-burka ku sugnaa ee 22 sannadood sii caga-cageynayey.
|

Madaxweynaha cusub ee dawladda Federaalka Soomaaliya mudane Prof.
Xasan Sheekh Maxamuud
|
Waxaan hambalyo gaar ah uga soo jeedinayaa halkan, dhammaan intii iska wada xilsaartay ee ku dadaashay ama xoogga saartayba, ha ugu horreeyee Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Prof. Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” inuu Waddankeenna Hooyo ka dhaco is baddal wayn, kaasoo ahaa sida kaliya oo looga gudbi karayey (KMG) nimada.
Waan jeclaa inaan goobjoog ka ahaado doorashadaa ka dhacaysay Waddankeenna Hooyo gudihiisa ee taariikhda wayn leh, laakiin wax wayn ayaa iga baajiyay oo Qaddarka Allaah s.w.t. ahaana. Waxaan hambalyo leeyahay oo kale ama uga soo mahadcelinayaa dhammaan shaqaalaha (VOA) Laanta Af-Soomaaliga, sida wanaagsan ee ay u daaddihiyaan wararka Adduunka iyo kan Gudahaba, iyo dhammaan warbaahinnada kaloo idilba.
Haddana waxaan kala socday war baahinnadoo idil, uu ugu horreeyo (VOA) Laanta Af-Soomaaliga, oo si cajiib leh oo aan kala go’ lahayn noogu soo tabinayeen sawir ahaan iyo cod ahaanba, oo ay haddana islamarkaana wareysiyo kala duwan la yeelanayeen Murashaxiintii iyo Mudanayaashii Baarlamaanka qaarkood ee madasha fadhiyay.
Waa Ilaahay s.w.t. mahaddii mar haddii aynu ka baxnay ama ka gudubnayba (KMG) nimadii, (Yusrigii) Ilaahay s.w.t. ayaa inoo bilowday ee Soomaaliyeey iskaashada.
Ilaahay s.w.t. waxaan inooga wada rajeynayaa, inuu khayrka ina waafajiyo, aamiin.
Caraftii Nabaddaa Inoo Curataye
Calool Nibiraad Ka Soo Celiseene
Mudane Xasan Sheekh Caan Noqoye
Saadaashu Waa Guul
Wa Billaahi Tawfiiq
___________________________________________________________
Share on Facebook
Other Interesting posts:

Posted by
QOL Admin
on September 12, 2012. Filed under
Warka Maanta.
You can follow any responses to this entry through the
RSS 2.0.
Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.
You must be logged in to post a comment Login