Isbaheysiga Turxaanbixinta IFISO oo u Hambelyeynaya Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya, isla markaasna ka Baaraandegaya Caqabadaha Jira iyo Tallaabooyinka Horay loo Qaadayo
September 12, 2012
Isbaheysiga Madaxabannaan ee turxaan bixinta Soomaaliya (IFISO) ayaa ugu hambalyeynaya Xasan Shiikh Maxamuud doorashada uu maalintii Isniinta Barlamaanku ugu doortay in uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.
IFISO oo tixgalineysa fursadda taariikhiga ah ee aan caadiga aheyn ee la siiyay Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya ayaa ku borrineysa in la soo afjaro taariikhda Soomaaliya ee ku dhisan shaqaaqada, musuqmaasuqa iyo la-xisaabtan la’aanta iyadoo ka dhowreysa hoggaanka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud inuu saxo goldaloolaha Dhammaadka Ku-meel-gaarnimada.
Waxay IFISO ka xuntahay in iyadoo ay jireen dadaallo faro badan oo u gogol xaarayay heshiisyada Dhaammaadka Ku-meel-gaarnimada ee dalbayay in dhammaan Xubnaha Baarlamaanku ay muujiyaan xushmada ay u hayaan xuquuqda aadanaha, haddana loo dhaariyo Xubinnimo Baarlamaan shaqsiyaad ay soo celiyeen Guddiga Farsamo ee Xulitaanka. Waxaa intaas dheer jabinta shardigii ahaa in Xubnaha Baarlamaanka 30% ay noqdaan haween.
IFISO waxay ugu yeereysaa Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud inuu wax ka qabto dhaliilahaas asagoo u xulaya haweeney u qalanta xilka Raiisul-Wasaaranimada, kuna adkeysanaya in xulitaanka Golaha Wasiirada 30% ay noqdaan haween.
Waxaa intaas dheer in xubnaha Golaha Wasiiradu ay noqdaan kuwa aan ku luglahayn dambiilenimo iyo ku-takrifalka hantida dadweynaha, isla markaasna leh xirfadaha loo baahanyahay iyo niyadda iskaashiga lagama maarmaanka u ah adkeynta guulaha Dhammaadka Ku-meel-gaarnimada.
SOO IFBIXII IFISO
Isbaheysiga Madaxabannaan ee Turxaanbixinta Soomaaliyeed, IFISO, wuxuu ka kooban yahay wakiillo ka tirsan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, waxaana si mutaddawacnimo ah gaacan u siiya hay’adaha xuquuqda aadanaha qaranka iyo kuwa dowli ah, warbaahinta, dhaqdhaqaaqyada bulshada, bulshada rayadka ah iyo khubaro kale. Waxuu Isbaheysigu ku midoobay inuu si madaxbannaan ula socdo hannaanka Dhammaadka Ku-meel-gaarnimada si loo xaqiijiyo in hoggaamiyaasha dagaalka, kuwa geystay dambiyada dagaalka, iyo kuwa loo nisbeeyay xatooyo xoolo dadweyne aysan ku guuleysan qabashada awood siyaasadeed dhammaadka xilliga Ku-meel-gaarnimada.
Waxaa IFISO lagu tagay Muqdishu 31/ 07/2012 ayada oo ay ka soo qeybgaleen wakiillo farabadan oo matalayey bulshada rayadka Soomaaliyeed. Danley badan oo isugu jira Soomaali iyo beesha caalamka ayaa aqoonsaday howsha IFISO iyo doorka ay ku leedahay dhiirrigalinta cad-caddaanimada iyo la-xisaabtanaka Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed ee cusub.
Si aad u hesho warar dheeraad ah:
____________________________________________
Share on Facebook
![]() |
Socialize