- Home
- No categories
Madaxda Soomaaliya ayaa waxay maanta shaaca ka qaadeen waqtiga ay dhaceyso Xil Wareejinta Jagada Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii laba maalmood kahor ay Somaliya yeelatay Madaxweyne cusub.
Maalinta Axada ah ee soo socota ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu qaban doonaa xaflad ballaaran, oo uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu xilka kaga deggi doono.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu xilka uu si rasmi ah uu ugu wareejin doonaa Madaxweynaha cusub ee ay soo doorteen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo goor dhaw Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in maalinta Axada ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 16-ka bisha September, ay dhici doonto maalinta Doorashada Madaxweynaha.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in Axada soo socota ay Ummada Soomaaliya u tahay sida uu sheegay maalin taariikhi ah, maadaama uu sheegay in muddo 42 sano uu Madaxweyne Somaliyeed uu xilka ku wareejin doono Madaxweyne kale.
_
_________________________________
Share on Facebook
![]()
|
![]() |
Socialize