Qaramada ay bahwadaagta yihiin Brazil oo xalay ciyaaray

Qaramada ay Bahwadaagta yihiin Brazil oo Xalay Ciyaaray Isreebreebka 2014ka mar kale, Kolombiya oo la Celin la yahay, iyo beru oo Barbareysay Arjantiin….

Qaarada Laatiin Ameerika ee 2014ka martigalineysa Koobka Aduunka ayaa Xalay Xili Danbe waxaa ka dhacay Kulamo ka tirsan Isreebreebka Dalalka Qaaradaasi ugu soo Baxayaan Koobka Aduunka 2014ka ka dhioci doona Dalka Brazil waxana kulmadii ugu Dambeeyay ee Isreebreebka Wacdaro dhigay Xulka Kolombiya ee uu Horekacayo Weeraryahan Falcao kaasoo 2 guul oo is xiga Todobaadkaan Xulkisa u horseeday ka dib Markii ay ka kala badiyeen Urugway iyo Chile,halka Arjantiin oo Car car ku socotay Xalay Caasimada Liima ee Dalka Beru lagu qabtay 1-1.Xulka Urugway ee Heysta Koobka Qaramada Laatiin Ameerika kuna guuleysay Koobkaasi 2011kii ayaa waxaa ka muuqda Hoos u dhac ka dib markii Todobaadkaan 2 kulan ee ugu Dambeeyay ee ay Ciyaareeen La qabtay isla markaana mid ay ka badfisay Kolmbiya 0-4,halak kan kale Xalay Gurigeeda 1-1 ay ku kala tageen Xulka Ecuador.

Kulamadii Xalay ay ciyaareeen Wadamada Jaalka la ah Martigaliyaha Koobka Aduunka 2014 sidatan ayey noqotay Natiijadooddii.

Chile vs Colombia 1-3,Goolasha Colombia waxaa kala dhaliyay Rodriguez.Falcao,iyo Gutierrrez Daqiiqadihii 59,74, 76,Halka Goolka Madiga ah ee Chile ay ku hormareen qeybtii Hore ee Ciyaarta uu dhaliyay Fernandez Daqiiqadii 41.

Urugway vs Ecuador 1-1 Goolka Urugway ooa aha Barbaraha Daqiiqadii 67 waxaa dhaliyay Cavani

Praguay vs Venezuela 0-2,Labada Gool ee Xulka Martida ahaa ee Venezuela waxaa Qalinka ku Duugay Daqiiqadihii 45 iyo 68 Ciyaaryahan Rondon

Peru vs Argentina 1-1 Goolka Arjantiin oo ahaa Barbaraha waxaa dhaliyay 9 Higuain Daqiiqadii 37.

Isreebreebka Loogu soo Baxayo Koobka Aduunka ee Wadamada Laatiin Ameerika wali Fari kama qodna waxaana Xulalaku u Ciyaarayaan sidii Barisamaadkii loo Ciyaari jiray oo kale Horyaalkii Kubada Cagta Soomaaliya waana 2 is arag Wareeg hore iyo Mid danbe Kaasoo loo ciyaaro sidoo kale Horyaalada kala duwan ee Caalamka.

Waxaa Diyaariyay |  Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’ |  Uurdoox2011@hotmail.com

______________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 12, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login