Qiso Dhab ah: Gabar Guurkeeda ku Shardisay in saaxiibadeed lala Guursado!!

Qisadan layaabka badan waxa ay ku bilaabatay markii nin guur doon ah oo u dhashay wadanka Sacuudiga uu Guur ka dalbay Gabar Mucalimad ka ah iskuul ku yaala Magaalda Dhaaif, Gabadhii ayaa inay guursato Shardi uga dhigtay inuu la guursado laba gabdhood oo kale oo saaxiibadeed ah Macalimiina ay ka wada yihiin iskuulka ay wax ka dhigto.
Arintaas ayaa aad uga yaabisay dadkii arintaas maqlay oo dhan oo uu ugu horeeyo Ninkii Gabadha Guurka kasoo doontay, ilaa markii dambe ay kusoo baxaan dad badan oo Wanaag iyo Aqoon lagu yaqaanay ogaadayna in Gabadha iyo Saaxiibadeedba ay arintaan dhab ka tahay, markaa ka dib ayay Ninkii Guur doonka ahaa ku yiraahdeen Guurso gabdhahan hadii aad guur doonayso shardigaas ayaa kaa xeran inaad hesho Gabdhii aad doonaysay.
Ninkii ayaa aqbalay inuu wada guursado gabdhihii Macalimiinta ka wada ahaa Iskuulka, waxaana loo sameeyay guur waafaqsan shareecda Islaamka, waxaana ay wada Dageen Guri weyn Sadax qeyb oo ka mid ah.
Arintaan waxaa qoray Joornalka loo yaqaan (اليوم) ee laga leeyahay Wadanka sacuudiga sida uu sheegay TV-ga Al-Carabiyah: Gabdhahaan ayaa waxa ay u nool yihiin inay Cunada ka wada Cunaan guriga Gabadha habeenkaas kalka u leh, waxa ayna iska gacan siiyaan howlaha Guriga oo dhan sida Cunada diyaarinteeda Nadaafada Guriga iyo wax walba oo quseeya nolosha Reerkooda.
Waxaa soo Turjumay | Sh Calinuur Xoogsade | asadxg@hotmail.com 
______________________________________________________
Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 13, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login