Caasimada Marka halaga dhigo!

OPINION / FIKRAD | Magaalada Marka in laga dhigo Caasimada Somaliya ayaa kaga haboon Magalada Muqdisho siyaabo badan awgeed.

Aduunka aynu ku noolnahay badankoodu waxay Magalo madax ka dhigtaan,Magalo aan aad u weyneyn sababo badan awgeed hana u bataan mid Siyaasad ku jirto,Sidoo kale waxa jira Wadamo badan oo bedalay Magalooyinkii u aha Caasimada,waxana ka mida Wadanka India-Canada-iyo wadamo kale oo badan,hadaba hadaynu nahay Somali waxa jira dhexdeena had iyo goor muran iyo is fahan la’aan waana ta keentay in Umada Somali ilaa hada ku jiraan jaho wareer fara badan,Quraanka ayuu Allah weyn inoogu sheegaya habka aynu u noolankarno,taas oo ka mida hadii nolosha aad aragto in ay kugu adkaato wax ka bedal hab-dhaqankaaga xitaa haday suuragal tahay ka guur oo ka hayaam,halkaas aad kala kulanatey nolosha adag.

Umadan Gaalada ama Kirishtaanka ee Aduunka horumarka weyn ka gaarey,wadamadoodana aynu u soo qaxnay ina siiyey Hooy iyo nabad aynu ku noolano ayad mooda in ay ku dhaqmayan sidii saxa aha ee Diinteena suuban inoo sheegtey,1-Nabad.2-Horumar.3-Hawlkarnimo.4-Runta.5-Dhibanaha oo la caawiye.6-Nolosha Aduunka oo la jecleysto waxna laga qabsado.7-Aqoonta oo aad u raadsatid meelkasta oo aad kari kartid.8-Dariska oo kaa nabad gala.9-Xayawaanka iyo Deegaanka oo loo naxariisto.10-Caruurta iyo Dadka waaweyn oo daryeel aad u wanaagsan la siiyo.
Umada Wadamada Islamka maanta intaas aan soo sheegay wey yartahay inta looga dhaqmo iyagoo ah Umad Muslim ah,waana sababta keentay maanta Wadamada Islamka badankoodu in uu dab iyo bilaa naxariis ka horayo,waana Wadamadii ugu xadarada iyo Taariikhda weyna Aduunka,maantase kuligood waa wada dib u socod aan u naxariisan Dalkooda iyo Dadkoodaba,ilaa ay ku soo noqdaan Diintooda Islamka kuna dhaqmaan sida saxsan mooyane.
Magalada Muqdisho kuma haboona in ay sii ahato Caasimada Umada Somaliya siyaabo fara badan awgeed.
Magalada Muqdisho waxa ka dhacay dhibaato aad iyo aad u weyn Dhiig farabadan oo khaqdaro ah aya ku daatay,Burbur aad u weyn aya soo gaadhay,sidaas oo ay tahay maha Magalo xiligan ku haboon Caasimada Somaliya,waxa kale oo jira,tuhun hooseed aan qarsooneyn kalana tirsanayan Beelaha Waaweyn ee isku haysta Talada Wadanka in ay leeyihiin Muqdisho waa Magalo u afduuban hal Beel oo weyn,sidaas oo ay tahay Beelaha kale markastaba waxa ay noqonayan Beelo marti ah,Awood fara badana ku yeelan karin Magala Muqdisho.
Arinka aan anigu ku xushey aya ah,in Magalada Marka hadii lagu sameeyo dib u habyn weyn in ay ku haboontahay Caasimada Somaliya,sababo fara badan awgeed.1-Waa Magalo ka yar Muqdisho si dhakhso ah na Nabad geylada Xafiisyada Dawlada iyo dhaman Safaradaha inoo martida Nabadooda dhakhso loo hirgalinkaro.2-Magalada Marka oo aan sida Muqdisho burbur aad u weyni soo gaadhin Bilic aad u Quruxbadana leh.3-Beelaha maanta ku dareensan in ay Muqdisho ku marti yihiin aya si xora uga hawl gali laha Magalada Marka,waa hab isku dheeli tiran Muwaadinimo.
Waa Maxay Sababaha ku kalifey Wadamada Horey u marey sida Canada ama America in ay Caasimad ka dhigtaan Magalo yar oo kooban,Labadan Wadan ayan Tusaale idinkaga soo qaadaya ahna Labada Wadan oo aad u dhaqale badan,aan ku horeeyo Canada-Wadanka Canada waxa Caasimad u ah Tuulada Ottawa,Magalo yar oo kooban fiidkana laga seexdo oo bilaa sanqadh ah,Canada waxa ay leedahay Magalooyin ka waaweyn Ottawa sida Montreal-Toronto-Vancouver,Sadexdan Magalo aya ka dhaqale iyo Dad iyo Bilic Qurxan Ottawa,America aan ku xigsiiyo Waa Wadanka Aduunka ugu dhaqalaha badan,iyagana Waxay ka dhigteen Caasimad Magalo la mida Ottawa…Caasimada America Waa Washington.D-C…America waxay leedahay Magalooyin waaweyn oo fara badan oo ka qanisan Caasimadooda sida New-York-Atlanta-Los-Angles.
Labadan Wadan kamay dhigan Caasimado Magalooyinkooda Waaweyn waxayna u badanyihiin arinkani mid Siyaasad ku jirto?Waa Mide hadii ay Toronto ama New-York ka dhigtaan Caasimado waa halboolahoodii ama Ilahoodii Dhaqale,Dadkooduna ku badnaa,halkaas si dhakhso ah waxa ugu guuleysanaya Safaradaha jooga Wadankooda oo sirtoodii si dhakhso ah ku helaya,hab nololeed iyo mid dhaqale iyo mid xaga Quwada Aduunka dhan la isku haystaba,taas aya keentay in ay Ottawa iyo Washington.D-C,  Ay ka kala dhigtaan Labo Caasimadood sidaasna ay gacanta ugu hayan Safaradaha Wadankooda jooga dhaqdhaqaaqa ay sameynayaan,Canada iyo America wey ku guuleysteen arinkaas ilaa hadana sidas ayey ku wadan.
Muqdisho aan dib ugu soo noqdo,Magalada Muqdisho waa Magalooyinka Aduunka aynu ku noolnahay ugu Xadarada iyo Ilbaxnimada Weyn,Labadan Wadan ee aan ka soo sheekeeyey Canada iyo America Ragii soo sahmiyey ee helay,waxa ay soo mareen oo ku noolayen Muqdisho oo Magalo ah,hada Ogaada North America Markaas waxa ay ahayeen Duur cidlaa haba yarate Magaalo aanay ka dhisneyn,taasi waa mid tankale ee Dad fara badan oo Aqoon yahana rumeysanyihiin aya ah,sababta keentey Burburkii ku dhacay Umada Somali in ay u horseedeen,Safaradihii xiligaas ka hirgalayey Wadanka Somaliya iyo Muqdisho.
Burburka ku dhacay Somaliya iyo Dagaalada sokeeye weynu wada ognahay waxa keenay,waa taladii Ragii inoo hayey xiligaas oo ay aad u yareyd xirfadooda Aqooneed,Gumeystihii 1960 Xornimada aynu ka qaadaney oo aan Taladii Gacanteena si wacan u soo galin,taladiina ku wareejiyey Dhalinyaro ay iyagu tababar ay siiyeen dushana ka maamulayeen.
Safaradaha Muqdisho ka hirgalayey sidee ayey uga Qeyb qaateen Burburkii ka dhacay Somaliya? Safaraduhu waxay ka hirgalayeen Muqdisho oo ahyd Halbowlhii Umada Somali,Madaxii-Maskaxdii-Wadnihii,Sirtii Umada Somaliya oo dhaman iskugu wada shubatey Magalada Caasimada Muqdisho,Jaamacadhii Wadanka-Ciidamadii Wadanka oo dhan,Dhaqalihii Wadanka oo dhan,1960 ilaa 1980 Waa Wakhti aad iyo aad u yar 20 Sanadood oo kaliya ee aynu Xornimada haysaney ayeynu ku talaabsanay,Waxyaabo badan oo Aduunka Safaradahoodu Muqdisho joogeen cabsi galiya.
Wadamada Africa iyo Carabaha badankoodu may wadan karin umana ay madax banaaneenyn in ay Gaxaystaan Diyaaradahooda,Somaliya iyaga Diyaaradaha u madax banaana oo gaxaysanayey xitaa loogu soo wax barasho tagi jirey Xerdaii Afisyooni in wadamo Africana Ardeydoodu ka baran jireen sida loo Duuliyo Diyaaradaha,Dhismihii iyo Dhaqalihii ka hirgalay Muqdisho hadalkiisaba daa kama uu jirin dhaman Wadamada Africanka,Sirteenii oo dhan ayey heleen Wadamadii inagu cadawga aha ee Safaradahoodu joogeen Muqdisho,hadalka aniga oo soo koobaya ka nixida ay ka naxeen horumarka ay gaadhen Umadan yar ee Africanka Madoow ayey go’aan ku kaadheen in ay ina galiyaan dhibaato aynaan ka soo kaban karin iyagoo Hub iskugu keen dhiibay si toosana inoo kala qaban mudo 26 sanadood ah,ilaa hada ayey wali diidanyihiin in aynu u madax banaanano kartideena aynu wax ku qabsan lahyn.
Arimahaas aan soo sheegey waxa og Umada Somali Dad aan badneyn oo kooban,Dadka badankiisa maba oga dhibka ka taagan Umada Somali halka uu ka biloowdey,Waligeen weynu is dili jirney hab Qabiil ahaan,hase ahate Qabiilkaas inta la inoo soo marey aya la inogi diley hab Siyaasad,Caasimadii oo so dhakhso ah ay Safaradihii cadawga inagu aha hab Diimeed ama hab dhalasho ahan ay sirteeni si dhakhso ah uga heleen Caasimadii Umada Somali oo dhan ku nooleyd,Nin sirtaada og si dhakhso ah ayuu kuu dili karaya waana tan keentay in la inaga adkaaday Hubna la iskugu keen dhiibo,Umada Somali aya Gacantoodu isku gumaaday,kala cararkiina Dadkii Xeryo Qaxooti aya Sida Xoolaha Riyaha la inoogu xareeyey,Wadamadii Reer Galbeedka ee hab Siyaasad inagu jabiyey aya Wadamadoodii inoo soo qaaday,Ethiopia iyo Kenya markay is dileen Reer Galbeedku markiiba wey kala dhex galeen ha la is weydiiyo sababta.?
Sababahas badan ee inagu dhacay ilaa hada la is weydiin maayo,sidii looga gaashaman laha in aanay dib inoogu dhicin,Wali waxa aynu la soo taaganahay Caasimada Somaliya waa lama taabtaan oo waa Muqdisho? Umada Somali wey wada jeceshay Muqdisho hase ahate aynu ka dhigano Muqdisho- Magaalo weyn oo inoo sira sida Canada-Toronto America- New-York.
Marka oo ah Magalo yar oo kooban kana fogeyn Muqdisho Qurux iyo Khayraad,fara badan isku darsatey Xeebtii Badana dhinac marto sida Muqdisho ha laga dhigo Caasimada Somaliya,Wadamada martida inoo noqonaya Safaradahooda si dhakhso ah sirteena nololeed mar 2aad kuma heli karan,Fiidka aya lagu amri karaya in xaroodan seexdana,soona gali karin Magalada Muqdisho iyagoon codsi ka sidan Dawlada Somaliya,Murankan dhexdeena ka taagan ee ah hal Beel ayey Muqdisho u xidhantahayna wuu soo xidhmi laha, Markana Magalo waxay noqon lahyd kooban oo loo simanyahay inkastoo Deegaanka Beelo iska leeyihiin hadana waa Beelo nabadeed Hunguriweyn iyo tartan xukun Beeleedna ku jirin reer Marka waa Dad ilbaxnimo aad u weyn leh.
Qoraalkayga waxan ku soo koobaya waa in laga wada hadlaa sidii Muqdisho looga bedali laha Caasimada Somaliya looguna bedali lahaa Magalada Marka…Magalada Muqdishana inoogu noqon lahyd Magalo weyn oo ka madax banan Siyaasada oo ah Magalo Ganacsi.waxan rajeynaya in Dad fara badani soo dhaweyn doonan figradeydan xalasha haba yarate aanan ka lahyd wax dan ii gooniya,hase ahate ku cabirayo sidii sirteenu u ahan lahyd mid aanay inala wadaagin Safaradaha wadankeena imanaya,Guul iyo Barwaaqo dhaman Umada Somali.
Khan Maxamed Farah |  Kjawil@hotmail.com |  Vancouver Canada.
_____________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 13, 2012. Filed under Opinion / Fikrad, Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

3 Responses to Caasimada Marka halaga dhigo!

  1. UF XAMAR BAABA NACAY WAA CAASIMADDII HAWIYE UMMADDA KU GAWRACAN JIRAY OO KU CUNI JIRAY DUGAAG DUGAAG DHALAY. REER WAQOOYI AYAAHAN MUQDISHO AYEY U BAXBAXSANAYAAN WAR HOY KUWAN IRIRBAAD SHEEGTAYE XATAA HAWIYE ISUMA IXTIRAAMAAN EE YEYAN IDIN CUNIN. WAANA BEENTOOD XAMAR WAX YAALA MALEH GURYAHA HADEER AY KA DHISAYAAN AYAGOO KUMANAAN AH OO KA FIICAN BAY PUNTLAND IYO SOMALILAND KU YAALLIIN EE BEENTOODA ISKAM ILAASHA SOMALINA WAXBA KAMA YAQAANAAN.

  2. MAXAY DAD BADAN UGU WAASHEEN BADALAADA CAASIMADDA AWWY CAIRO NEYROOBI ADDIS MAXAA WESTREN NAGA GALAY MASE SHAQO KALE BAAD WEYDEEN ANIGU WAQOOYI BAAN KA IMID MANA ODHANAYO HA LA BADALO WAAY WAA MASEER WAALAN OO IDIN HAYA CUDURAD YUUNA INIGU BADAN

  3. WAA FAIKRAD AAD U FIICAN, IN CAASIMAD MARKA LAGA DHIGO, XAMAR WAA MAGAALADEENNII WAA MESHII AAN KU DHALANAY, WAA MEEL XUSUUSTEEDA AAN LA ILOOBI KARIN, LAKIIN SIDA AAD SHEEGTAY WAA KUGU RACSANAHAY, XAQII AYAADNA IFTIIMISAY.