Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari oo u guuray Madaxtooyada

Xaflad lagu wareejinayo Hoygii iyo Xafiiskii uu ku howl galayay Gudoomiyihii hore Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xiligan ka socota Xarunta Madaxtooyada, iyadoo ay goob joog ka yihiin Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari.

Munaasabadan ayaa dhaceysa maalin ka hor caleema saarka Madaxweynaha cusub iyo la wareegida Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana Munaasabada ka qeyb galaya Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin ka tirsanaa Xukuumadii hore.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay weerar ismiidaamin lagu qaaday Hotelka Jazeera oo uu degenaa labo cisho ayaa xalay ku hoyday Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, si uu isugu diyaariyo la wareegitaanka Xafiiska cusub.

Saaka ayaa Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu Madaxtooyada ku soo wareejiyay Madaxweynaha cusub, isagoo galay Xafiisyada ay ka howl galaan shaqaalaha Madaxtooyada oo uu warbixino ka dhageystay Madaxweynuhu.

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu gudoonsiiyay Madaxweynaha cusub Dr. Xasan Sheekh Maxamuud hadiyadihii la gudoonsiiyay mudadii uu Madaxweynaha ahaa Shariif iyo booqashadii uu dalalka caalamka ku bixiyay, waxaana hadiyadahas ka mid ahaa Saacad Dahab ah, Seef Dahab ah iyo Bilado iyo Hadiyado kale.

Waxaa lagu wadaa maalinta berri inay dhacdo Munaasabad xil wareejin ah oo Madaxweynaha cusub xilka la wareegi doono, si uu afarta sano ee soo socota ugu shaqeeyo, iyadoo ay hor-yaalaan howlo adag oo ay ugu weyn tahay ammaanka.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo dhaariyay xilka Madaxtinimada Soomaaliya 10-kii bishan wax yar kadib markii uu ku guuleystay doorashadii Madaxweynaha.

_________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 13, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.