Sixiixayaasha Faroole ayaa ka haray!

Dr. Ali A. Hirabe

Ugu horeeyn waxaan hambalyo leeyahay madaxweeynihii hore Sheekh Shariif hab-dhaqanka ogolaanshaha sida doorashada u dhacday iyo dariiqa wanaagsan ee u horseeday dhalinta Soomaali, waxaan leeyahay waad ku mahadsan tahay  waxaadna ku heshay xurmo aanan la iloobi karin haddii aad Soomaalida gaarsiisay in aay isku doortaan caasimada Muqdisho oo isgu yimid dhamaan Soomaalidii kala firirtay iyada oo nabad ah iyo iyada oo eey soo carfeeyso saxansaxada nabada iyo wada jirka umada Soomaali, waxaan kale oo aan talo ku siinayaa in uu kala hagran talo siinta  caqabadaha siyaasadeed ee gudaha iyo dibada kaga hor yimid intii uu ku ku jiray shaqada madaxweeyne iyo sidii uu madaxweeynaha cusubsi eeyan waqti ugu qaadan ku nqoshada qaladaadkii dhacay si umada Soomaali aay u gaarto midnimo qaran iyo wadajir ujeedkana yahay in Soomaalida aay gaarto cadaalo iyo sinaan saldhigeeduna uu yahay nabada iyo wadanoolaansho.

Waxaan leeyahay Hambalyo madaxweeyne  Prof. Xassan Sh. Maxamud waxaan ilaah ka baryaayaa in uu ku waafijiyo dariiqa xaqa ah xilka aad umada Soomaali aad u qaaday kugu siiyo xuromo iyo sharaf marka aad guduto, waxaan jeclaan lahaa in aad dib u fiiriso 21 sanno waxii la soo maray iyo meesha la joogo, waxaa quman in aad cajalada dib u celiso si aad ugu hortagto waxwalba oo caqabad ku ah nabada maanta ka jirto Muqdisho iyo in aad hore uga socoto meesha hada la taagan yahay, dalka waxaa uu u baahan yahay in laga firikro qodobada soo socda.

1)   Hormarka nabada jirta in la kobciyo si dalka oo dhan umada degeni nabad iyo wadanoolaansho u helaan, dabcan Al-Shabaab waa Kansarka Soomaaliya waxaa quman in si toos ah iyo si aanan toos aheeyn loola dagaalo.

 Dalka waxaa jooga ciidamo calooshood u shaqeeystayaal ah ee uu soo kireeystay Faroole sida Telefishonka ABC ee laga leeyahay dalka Australia uu shaaciyey warbixin dheer oo uu ka diyaariyey shirkada Saracen ee tababarada siisa ciidamada Puntland ninka madaxda ka ah oo dilal qorsheysan ka soo galay dalalka Koonfur Afrika iyo Papua New Guinea.

Akhristow daawo: Mercenary accused of supplying Soomaali militia

http://www.abc.net.au/news/2012-09-04/somalia-guns-embargo-breach-730/4242778

Guddiga Qaramada Midoobay u saartay dalka Soomaaliya inay soo baaraan kooxaha ku xadgudba cunaqabateynta hubka ee saaran dalka Soomaaliya, ayaa ka codsaday Dowlada Australia inay tilaabo sharci kaga qaado Mulkiila Shirkada Saracen ee tababarada siisa ciidamada bada ee Puntland.

2)   Magacaabida R/wasaaraha cusubi ninka uu noqon doono waa rajada iyo furaha horumarka dowlada ka dhalan doonta Soomaali. Waxaa iga talo ah in aadan ka dhigin raga iyo haweenka ka soo jeeda Puntland iyo Somaliland sabbaba jira darteed, labadaba waxaa aay leeyihiin dowlad leh gole wasiiro, gole baarlamaan iyo madaxweeyne sidaa  in badan dowladahii kaa horeeyay ragii ka noqday R/wasaare aayan u noqdeen ku aanan xoolo, ciidan iyo siyaasad midnimo Soomaali ka fogaa.

3)   Qunsulka Ethiopia ee Garowe iyo Hargeeysa waa caqabada ugu weeyn ee xiligaan ka jira geeska Afrika, waxaa quman in dalka Soomaaliya uu lahaado hal Safiirka Ethiopian ah kaas oo fulinayo danaha Ethiopia ee Soomaali fadhigiisuna yahay Muqdisho, qunsulka fadhiya Garowe iyo Hargeeysa waxeey ka shaqeeyaan kala qobqobka dadka iyo dalka inta aay joogaana ciida Soomaaliya lagama yaabo in colaada siyaasadeed aay dhamaanto.

4)   Puntland waxaa looga dhawaaqay furashada xisbiyo siyaasadeed oo aana xaqiiqdii lagala tashan dowlada dhexe, xisbiya siyaasadeed ee dalka looga dhawaaqay dhamaantood waa in aay la jaan qaadaan dastuurka cusub ogolaashaha iyo diiwaangelinta fulinteeda waxaa leh dowlada dhexe, xisbi qabiil lama furan karo ee xisbiga waa in la aqriyaa ajandihiisa siyaadadeed dhaqandhaqaale ee uu rabo in uu ka fuliyo dalka, Faroole 15,000 dollar ayuu ku xiray basle waa mid uu ku ururusanayo dhaqaale shasoyadeed, waxaa quman in cidii dooneeysa furasha xisbiyada in aay iska diiwaangeliso dowlada dhexe ogolashaha waxaa bixinaya dowlada dhex.

5)   Aragti dheer oo ku wajahan sidii ciidamada AMISOM Kenya iyo Ethiopia looga saari lahaa dalka xudiidiisana loo sugi lahaa, wax sahlan maaha balse waa mid u baahan fiiro dheer, waxaa loo baahan yahay in dalka dadka ku dhaqani yeeshaan xuquuq laguna yeesho xuquuq, nabada, dhameeystirka dastuurka, furashada xisbiyada iyo dhisida dowlad-goboleedyo hoos yimaada dowlada dhexe ayaa hadafku yahy, si taas loo gaaro waxaan ku farayaa dulqaad, sabar iyo aragto fog sidii uu hirgeli lahaa shaqdaa faraha bada.

Aloow Sahal Umuuraha.

 

Dr. Ali A. Hirabe           Hirabe_a@hotmail.com

____________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 13, 2012. Filed under Faalooyinka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

7 Responses to Sixiixayaasha Faroole ayaa ka haray!

  1. Maxay ku kala duwan yihiin Raisalwasare Mareexan iyo mid Majeerten
    Dameer iyo labadiisa Dhagood right.

  2. Hiraabe good news Puntland oo goaysa after magacabista Raisalwasaraha
    marka yaad caayi dontaakkkkkkkkkkk

  3. kkkkkkkkkk Hiraabe Faroole Xamar ayuu joogaa maxaad sameyneysaan?

  4. Faroole kkkkkkkkkkkkkkkkkkk walle nin baa idiin soo baxay, laydunku seexiyo sidii caruurtii markaad seexan weydaan kkkkkkkkkkk.

  5. hiraabow waa runtaa oo saxiixayaashi faroole baa ka haray ,laakiin ogow oo nin sahlani ma harine.
    hadda buu shaati kale oo khiyaano inta gashado xamar ,isasii taagi doonaa ,si uu beentii sireysneyd ugu aqriyo madaxweynaha cusub ,oo aan filayo inuusan aqoon faroole ,laakiin nasiib wanaag soomaali badan oo faroole taqaan baa madaxweynaha geesaha ka taagan.
    waxaa la yiri asbuucaan buu xamar tagi doonaa si uu isugu bihinbihiyo iyo kan baan qabtay iyo tan baan la iiga maarmin haddii kale puntland baa la i yiraahdaa oo waan goosan kkkkkkkk.
    fanaka cawdu bilaa min faroole

  6. Dr Ali A. Hirabe walaalkay waa ku salaamay.
    majeerteen waxay la mid yihiin ninkii wajiga soo badbadali jiray.

    Nin aa waxaow ku qaraaban jiray inow is gagadiyo oo hadbo wax isku soo ekaysiiyo si owsan dadku u fahmin,maalinkii danbo waxow u yimiday nin ,wuxuu is yiri qayaan ninkaan oo markaan sir kale adeegso,
    ayaa ninkii ow ku soo socday oo iska ilalinaa ninka ku soo socdo aa markaw la soo istaagay waxow ku dhahay ninkii qayaanalowga ahaay ,maatana maxaa la timiday? ,wax badan aa wajiga soo badalatay laakiin maanta ay ku eg tahay sirtaadii waana lagu bartay.
    waxaa arkay maqaalo ay meelaha ku soo dhigeen oo ay rabaan inay waJiga ku dhaqdaan say iskaka dhigaan dad cusub oo aan la kasaynin.
    shiikh shariif waxow fahmay markii ugu danbaysay markii ay is yiraahdeen waxaa rabteen waa ka gaarteen.
    waxa aad uga xumahay in raiisal wasaaraha la soo dooranaayo hadaw ayaka naqanwaayo waxaa u taal jilaafo,
    ama inay adeegsadaan xildhibaanada oo dhexdooda isku diraan si qilaaf ugu yimaado Madaxwaynaha iyo Raiisal wasaaraha la soo dooranaa si ay u socon wayso shaqada dawlada,

  7. AWAL WAA IGA YAABIN JIRTAY MAANTAYSE WAAD IGA QOSLISAY MARKAAD TIRI WAXAA KA HARAY SAXIIXAYAASHII FAROOLE.SADQTU RUNBAAD SHEEGTAY.
    LAAKIIN WAXAADAN ISWAYDIININ WAXA MADAXWEYNE DR C/RAXMAAN SHIIKH REEBAY. INDHAHAAGA FUR SABABTU WAA WAQTIGIISII DOORASHADA OO AAN LA GAARIN AMA SANAD BAARLAMAANKU UGU DARAY.
    HADAAD RABTAY SIDA QAYBDID AMA KAN ALSUNA WALJEMACA IN 2 AMA 3 MADEXWEYNE ISKU QABSADAAN PUNTLAND STATE ADUR BAA LAGAA YIRI ALE AYAANA KAA HOOS GALNAY LAAKIN OGOW MARKII WAQTIGIISU DHAMAADO SICII C/LAAHI YUSUF CADE IYO M XAASHI AYUU TARTIIB BANAYNDOONAA INSHA ALAAH.

You must be logged in to post a comment Login