Maamulka Gobolka Banaadir ‘Waxaan soo celineynaa adeegyadii muhiimka ahaa’

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu soo celinayo mid ka mid ah adeegyadii ugu muhiimsanaa bulshada, kadib markii bur burkii dowladdii hore ay meesha ka baxeen adeegyadii aas aasiga u ahaa bulshada.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan ayaa sheegay in Xafiiskii Dad-dhigida oo ah xafiis muhiim ahaa, isla markaana qiimo ugu fadhiya bulshada ay soo celin doonaan, isagoo ka digay meelaha sida qaldan iyo musuq maasuqa loogu sameysto Document-yada.

“Adeegii bulshada ugu muhiimsanaa, Xafiiskii dad dhiga waa xafiis Istiraatiijiyada iyo qiimi ugu fadhiya bulshada, inkastoo aan sahlan jirnay, waxaa jira kuwo si qaldan iyo musuq maasuq u sameysta, waa meesha laga tira koobo bulsha kasta, wa ahalka dadka dhasha ama dadka dhinta laga qoro”ayuu yiri Maxamuud Axmed Tarsan.

Mr Tarsan ayaa sheegay in lagu yaqiin in cid aan heysan teesaro ama warqad dhalasho aan la siin jirin Baasaboor, Iskoolna aan dhigan jirin, ama dhul la siin karin, isagoo xusay in dhamaan adeegyadaas ay la bur bureen Dowladii hore sida uu yiri.

Waxaa uu ugu baaqay meelaha lagu sameeyo Documentiyada inay joojiyaan, isagoo soo hadal qaaday halka lagu magacaabo Cabdalla Shideeye ee lagu habeeyo waraaqaha faalsada sida dhalashada iyo Document-yada shahaadaha, dhul bixinta iyo waxyaabaha kale, isagoo ugu baaqay in hadii ay aqoon leeyihiin inay la shaqeeyaan Dowladda hoose.

Arrintan uu ku dhawaaqay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa noqoneysa mid ka mid ah adeegyadii ugu muhiimsanaa ee bulshada, hadii la suura gelinaya waxay noqoneysa mid sahasha in dalka Soomaaliya tira koob rasmi lagu sameeyo.

_______________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 13, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login