Madaxweyne Xasan Sheekh ‘Shaqaalaha madaxtooyaa howshooda hawataano’

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war farxad leh u sheegay Shaqaalaha Madaxtooyada, xilli dhowaan lagu wado inuu si rasmi ula wareego Madaxtooyada qaranka.

Isagoo shalay la hadlayay shaqaalaha Madaxtooyada oo u sameeyay Munaasabad soo dhoweyn iyo sii dhoweyn Madaxweynihii hore ayaa ka shanqariyay hadal laga sugayay, kaasoo shaqaalaha Madaxtooyada uu u ahaa nabar ku taagnaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay shaqaalaha Madaxtooyada sida ay u soo dhabar adeegeen daruufihii kala duwanaa ee ay soo mareyn, intii aan Al-Shabaab laga saarin magaalada Muqdisho.

“Shalay waxaad u shaqeyneyseen dowladda Soomaaliya oo waxaad aheydeen shaqaale dowladeed, hadana waad tihiin, waadna ahaan doontaan, hadii ay qaarkiin ku fekereen inaan shaqaale cusub keensanayo ma jirto taasi oo idinka ayaa shaqaalaha Dowladda ah xaqna u leh maadaama aad xaalado kala duwan kusoo sabarteen”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Shaqaalaha Madaxtooyada ayaa markii uu warkaas dhegahooda ku dhacay farxad iyo sacab isla helay, isagoo Madaxweynuhu u sheegay in halkooda ay ka sii wadan doonaan shaqadooda, ilaa ay sabab ka yeeshaan in shaqadooda ka soo bixi waayaan, oo markaas ay keensadaan in shaqada laga ceyriyo, hase ahaatee waxaa uu xusay inay jiri karto in meel kale loo bedelo shaqaalaha hadii ay dhacdo.

Inkastoo Madaxdii hore lagu yaqaanay marka ay xil qabtaan inay shaqaalihii horay u soo shaqeeyay ay ceyriyaan, ayna ku bedelaan shaqaale cusub oo ku heyb ah, ayaa waxaa muuqata in dhaqankaas uu ka duwan yahay Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh, isagoo kalsooni geliyay Shaqaalaha Madaxtooyada.

Si kastaba ha ahaatee maalinimada Axada ayaa la filayaa in Madaxweynaha cusub la caleemo saaro, si uu rasmi ahaan ula wareego Madaxtooyada Qaranka, kadib markii shalay lagu wareejiyay hadiyadihii uu gudoomay Madaxweynihii hore, qeybaha Xarunta Madaxtooyadana lagu soo wareejiyay Madaxweynaha cusub.

 

______________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 14, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.