Qaybtii 14aad ee qisadii: ”Ila OOY!!!”

W/Q Ifraax Yusuf ( Ifka) | Qoraa walba Qarnigiisa, Qalin walba Qisadiisa, ee aqriste Qaracanka Qarankaaga wiilkiisa Qorsheeyay ma diidantahay in aad Qiratid?

Waxaan si lama filaan ah u arkay dhaqtarad aan shan sanno ka hor wada shaqeeyneeyay isbitaalka weeyn ee London, arageeda oo iga nixiyay ayaan   ka cabsaday in ay ii aqoonsato, sina waan ugu farxay in ay i aqoonsato oo ay ii badbaadin karto. Istaagi aan istaagay oo maskaxdayda ku qasbay in ay si xowli ku shaqeeyso darteed ayaan istaagii ka  dhacay, dadku waa wada ordaayeen, dhulkuna waa ila wareegay oo indhaha ayaa i madoobay.

Waxaan ka kacay ayadoo ay i kor taagantahay dhaqtaradii, oo ay igu dhaheeyso: “ Fartuun Maxaa ku keenay halkaan? Soo adigii u guuray Soomaaliya! Maxaa idinku dhacay?” Ilinta indhahayga buuxisay ayaa u jawaabtay, geesaheeda ayeey fiirisay, anigii ayeey i fiirisay, waana fahantay in aan la hadli Karin oo aan ka cabsanaa wax uun! Waxaan ka codsaday in ay ii keento shaati cusub, una sheegay in ay bac  ku soo xirto. Isla maalinkaa markay  ku soo celsheen ninkayga qolkiisa, oon hubiyay kadib weli Bilana noolayahay  ayaan baxay oo aaday musqusha, cabaayadii aan watay, ku soo bedelay surwaalkii jimiska ahaa oo aan hoos ka watay iyo shaatigii la ii keenay, una soo baxay banaanka anigoo u eg qof kale, oo la i aqoonsan waayay, cidna ima istaajinin, oo gabar jalbaab haaf ah ee madaw iyo cabaayad  wadata ayeey sugaayaan nimanka dharka shacabka wata ee banaanka taagan. Waa baxay oo  u tagay dhaqtaradii, una sheegay dhibaatada igu dhacday, oo halkaan ii keentay, aad beey iskugu naxday, iina sheegtay in ay baaritaan ku soo sameeyn doonto sida ay noo bixin karto, iyo wixi dhacayba. Waa laabtay oo dharkaygii soo gashtay, una laabtay qolkaygii, nimanki ima fahmin, oo waxaas oo dhan wax ka yar soddon daqiiqo ayaan ku sameeyay, in aan qubeeysanaayay ayaana ugu sheekeeyay markaan u imid.

Isla galabkiiba waxeey ii soo celisay warqad ay ku soo qortay wixii ay soo ogaatay oo dhan, iiguna dhiibtay sida in ay tahay warqad ay ku qoranyihiin warbixin caafimaad oo  ninkayga ku saabsan, sidaas darted nimanka aysan ogeen waxa ku yaalo warqada. Waa isku sii naxay, oo hada waxaaba la rabaa in loo diro Guwaantamo, oo ninkayga Bile waa nin Alshabaab ah, asal ahaan Alqaacida ah, oo sanado badan la raadinaayay sida ay sheegtay, waxeeyse ii sheegtay taariiqyada ay tilmaameen in ninkayga shaqadaan argagixisinimo uu geeystay aysan saxneeyn, oo qasab ay qof kale ku qaldaayaan, ama warbixn qaldan la siiyay, madaama anaga labadeenaba 2005 aan degeneen Ingariiska.

Nimanka waxaa ku jiro nin ay isku fiicanyihiin, hadii ay arinta ka dhaadhiciiso, oo ay tusto meesha wax ka qaldanyihiin in aan ka badbaadno ayaa laga yaabaa, hadii ay diidaane waxeey ii sheegtay in ay waceeyso safaarada Ingariiska, oo Mareykan sharci uma lahan in ay qof Biritash ah iska wataan, oo dalkooda ku xakumaan. Arintaan musiibo cusub ayeey igu noqotay, nimankaan waa mooryaantii Soomaaliya oo kale, sharci qabtane ma jiro, ka waran hadii safaaradaan baas ay is fahmi waayaan oo is dagaalaan? Yaa ku dhiman meeshaas? Waxaan ugu qoray labada xalba in aysan ii anfaceeynin, oo ay ayada iigu caawin karto in aan ka baxsano halkaan, oo tagno Ingariiska kuwaan oo aan waxba ka ogeen, waxa ay rabto ha sameeysee, wax uun ha sameeyso oo aan ka baxsano mar uun.

Habeenkii ayeey ii timid ayado qof kale u eg oo tin buluka ah so gashatay, iskana dhigeeyso kalkaaliso, waxeey ii sheegtay in ay qorsheeysay sida aan u bixi laheeyn, oo qol aysan kaamera ku xirneeyn ay ogtahay oo aysan ogaan karin waxa bukaanka lagu sameeynaayo  Fekradeeda waa la dhacay, maxaayeelay si toos ah ayaan u aadeeynaa xuduuda dalka aan joogno ee ah Zimbaabwi, waxaana wax la hubo in ay kuwaan markay na waayaan  ayraboorka aadi doonaan.  Waxeey sidii balanta aheeyd timid Cathrine ayadoo aqoonsigii dhaqtar wadata, iska qosleeyso, iina iljibisay, inta nimanka mid ka mid ah ku tiri: “ Adiga maalinkaaga waa dheeraan doontaa!” Anna waa la fahmay oo diyaar iska sii dhigay. Sidii lagu balamay ayaan qayliyay, anigoo sheegaayo in ninkayga wadnaha istaagay, waa soo kala ordeen, oo kooxdii ay ayada u aheeyd madaxa ku amartay in ay qaadaan oo qolkii lagu balamay geeyso, anigana gabadhii aheeyd kalkaalisada oo aan ku balanay ayaa gacanta iga qabatay oo inta maro ii hugisay iga wadatay meeshii. Markaan banaanka nimid ayeey ii dhiibtay kabo sports ah, saako, iyo gabasaar aan dhuunto ku xirto, iyo koofi dheer, oo indhaha xataa iiga qarisay.

Iina dhiibtay baasabooradii, , iyo bac raashin ku jiro. Daqiiqado kadib waxaa yimid nin oo ay igu soo dartay, waxaana ku orodnay albaab sii xirmaayay, oo ka soo baxnay. Waxaa la ii soo gelshay baabuur, oo Bile ku jiray. Markii koowaad oo aan si fiican u neefsan karo ayeey noqotay, alhamdulilaah, qorshihii asbuuca dhan la diyaarinaayay waa hagaagay. Si tartiib ah ayaan ugu baxnay magaalada, waxeeyna soo wacday telefanka wiilka oo igu tiri ayadoo qosleeyso: “ Wax yar ayaa kuu dhiman, kuwaan caawa ka hor ma ogaanaayaan in aad ka tagteen dalkaan, weli meeshii ayeey si qurxoon u fadhiyaan oo boonbilihii u ilaashanaayaan….!” Ayadan u walwalsanaa, oo is lahaa danbi ayaa loo raacan donaan, laakiin arintaas waa ka fekertay ayadaba oo giu tiri: “ Aniga waxba iima raacan karaan oo Bukaankayga asigoo fiican ayaan qolka ku celshay, in ay dareemi waayeen in aan  boonbile weeyn uga bedeshay qof nool danbigayga ma ahan, waa in ay bartaan in ay kontaroolaan waxa loo keenay in ay waxooda yihiin iyo in kale…!” Aniga qosol ayaan isku celin waayay, nimankii ilaaliyayaasha ahaa oo xataa aan ilbiriqsiga indhaha iskugu qaban jirin, maantay waxeey ag fadhiyaan boonbile sariirta la eg oo qof loo ekeeysiiyay, ala dabaalsanaa, inuusan neefsaneeynin oo xabadkiisa isdhaqaajineeynin uma jeedaan miyaan?  Waxaan soconay maalinkaa oo dhan, ilaa habeenkii danbe oo waagii ka baryay, intaas indhaha ilbiriqs iskuma aan geeynin, mana u daganin meel, oo meeshan ayaan marna kaligay ka fekeraaay waxa reerkayga ku fekerayeen iyo sida ay waxyeeleen, marna ka walwalsanaa nolosha Bile iyo sida uu u caafimaadi doono marlabaad, oo safaradaan iyo jaha wareerkaan jirka qof dhaawac ah uma roono hadane meel aan kaga tago ma joogin, oo waa ku qasbanaa jugjugta waddooyinka burbursan ee Afrika oo xataa qofka caafimaadka qaba uu  ku jiranaayo.

Waxaan is helnay labadi nin oo Cathrine ninkeeda halkaan ku balamiyay, waa ii salaameen, oo iskay bareen, mid waa dhaqtar, midna waa kuwa u shaqeeya Amnesty oo maamulka qaabilsan,. Waxeey soo dejiyeen sariirtii ninkayga geliyeena baabuur kale, nana geeyeen hotel, oo raashin iyo dharba ii keenay. Habeenkii ayeey na wadeen, oo na geeyeen ayraboorkii Botswana,waxay  nala galeen gudaha ilaa diyaarada, ayadoonan cidna na baarin oo ayaga baasaboorada dhan hal mar wada dhiibaayay iyo cadeeymaha shaqaale  ay wataan, kuwaas oo keenay in markiiba nala fasaxay.

Waxuu ii sheegay inuu wacay isbitaalka weeyn ee London, una wargeliyay in ay ka soo doonaan ayraboorka ninkayga dhaawaca ah, oo siiyay warbixintii ay soo siisay Cathrine oo aheeyd dhaqtaradii Bile ee ugu danbeeysay, oo ay ayadana fakis ahaan ugu diri doonto isbitaalka wixii ay ku sameeyeen inta uu yaalay isbitaalka Zimbaabwi. Waxuu igu qanciyay in dhibaata danbe aan naloo  geeysan doonin, oo aan joogno hada wixii ka danbeeyo meel nabad ah, oo cidna na afduubi doonin mardanbe. Ma rumeeysan karin warkiisa, ilaa aan hubsado in aan joogo meeshii aan u socday, waxaana u dhiibay biskooladii sida aan Cathrine ku balanay. Waxaan marlabaad isku dhiibay qadarta Rabi, ka waran hadii waxa igu sugaa diyaarada meesha ay cagaha dhigato nimankii aan ka soo cararaayay? Wax ay yihiinba, waa uun sharta Mareykan caalamka Islaamka u soo diray, oo magayada baas ee CIA ama FBI wato, ku dheheen Bile ayaa ah Alqaacido/alshabaab? Yaah? War ayaaba ii yaalo, ka waran hadii ay saxanyihiin, oo ay aniga tahay qofta aan waxba ka ogeen nolosha shaqsiga ah ee ninkayga? Maya, maya walee beentaas ma inka rumeysto.

Bile waligiis ma sameeynin wax aan ogeen.. ee yaa waaye qofka ka danbeeyo dhibaatadaan? Yaa waaye qofka jaajuuska ah ee ninkayga warbixintaan ka bixiyay? Diyaaradaan nabad ma kaga dagan doonaa? Meesha ay ii waddo ma tahay meeshaan u socday toloow??………………………..

 

Aqriste la soco qaybta 15 ee qisadii qaraarka badneeyd ee ”Ila OOY!!!” .

Wixii dhaliil ama sixitaan luuqadeed ah igu soo hagaaji emailkaan:  samsam_1989@hotmail.com

14/09/2012 W/Q Ifraax Yusuf (Ifka)

___________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 14, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.