Wararka ka imaanaya xaafada islii ee aay soomaalidu u badantahay kuna taal magaalda Nairobi ayaa sheegaya in booliska dalka Kenya ay maanta ku qabteen hub, rasaas iyo suumanka la isku qarxiyo, iyagoo gacanta ku dhigay labo nin oo Soomaali ah, oo lagu soo eedeeyay inay qaraxaas u isticmaali rabeen weeraro argagixiso.
Afhayeenka u hadlay ciidamada Booliska Eric Kimathi ayaa warfidiyeenada u soo bandhigay, qalab ka kooban walxo qarxa, oo ay ku jireen fiyuus iyo kuulo, lagu soo xiray Jaakadaha la isku qarxiyo, afar qoriga AK47, iyo rasaas.
Hubkaan u badan waxyaabaha qarxa ayaa lagu soo qabtay howl gal xalay aay ciidamada boliska ee dalka Kenya ka sameeyeen Xaafada ay Soomaalida ku badan tahay ee Islii ayey ku soo heleen guri ku yaal, ayna ku soo qabteen qalabkan isugu jira hubka, rasaas iyo suumanka la isku qarxiyo.
Booliska ayaa sheegay inay qabteen 6 ka mida jaakadaha la isku qarxiyo, 4 qoryaha AK47, rasaas iyo dhowr bambooyinka gacanta laga tuuraa .
Howl galkan aay xalay ku qaadeen ciidamada ayaa yimid kadib markii Ciidamada Booliska iyo kuwa sida gaarka u tababaran ee la dagaalanka Argagixisada lagu soo wargeliyay guri lagu hayay walxaha qarxa iyo hubkoodii, iyadoo Booliska rumeysan yahay in weerarkan lagu maaganaa Kaniisadaha dalkaas todobaadkan gudihiis.
________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login