Askar Shabaab ah oo maanta la toogtay

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee Gobolada Jubbooyinka ayaa waxay amreyn in la-toogto niman ka tirsan Xarakada Al Shabaab, kadib markii ay ku cadaatay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab.

Ciidamadda Huwanta oo maanta hawl-galo culus ka sameeyay Deegaanka Biibi oo ay shalay dagaalo culus kula wareegeen Ciidamadda Dowladda Soomaaliya, ayaa waxay ku soo qab qabteen rag badan oo Al Shabaab lagu tuhmaayay.

Laba ka mid ah ayaa waxaa ku cadaatay inay ka tirsan yihiin Xoogaga Shabaab, waxayna taasi keentay in Saraakiisha Dowladda ee Gobolada Jubbooyinka ay amraan in raggaasi la-toogto.

Labadaa nin ayaa waxaa la-sheegay inay ka hareyn dagaal-yahanadii Al Shabaab ee shalay lagala wareegay gacan ku heynta Deegaanka Biibi, iyagoo u haray baala yiri inay qaraxyo kula beegsadaan Ciidamadda Dowladda.

Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee Gobolada Jubbooyinka ku sugan ayaa waxay dagaalo xoogan ay kula jiraan Xarakada Al Shabaab, waxayna u muuqdaan kuwa ay ka go’an tahay inay Al Shabaab kala wareegaan Magaalada Kismaayo.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 15, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login