Dibadbaxyo ka dhacay Muqdisho

Banaan-bax weyn ayaa wuxuu maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, wuxuuna banaan-buxu ahaa mid ay isugu soo baxeyn qeybo ka mid ah bulshada ku dhaqan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Banaan-baxa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho oo lagu taageeraayay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu maanta ka dhacay Degmada Shingaani ee Gobolka Banaadir.

Banaan-baxa ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Saraakiil ciidan iyo qeybo badan oo ka mid ah bulshada ku dhaqan Degmada Shingaani.

Gudoomiyaha Degmada Shingaani ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cali Hamari oo banaan-baxayaasha kula hadlay Degmada Shingaani, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in shacabka Somaliyeed ay doonayaan Dowlad Cadaalad ah.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay ka daaleen dagaalo iyo been dambe, waxay shacabka doonayaan Dowlad wanaagsan oo Cadaalad ku dhaqanta, waxaana Madaxweynaha ugu baaqeynaa in uu Cadaalad iyo Sinaan uu la-yimaado.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Shingaani.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Yuusuf Cusmaan, oo isaguna la-hadlay banaan-baxayaasha maanta iskugu soo baxay, ayaa wuxuu sheegay in shacabka ay taageersan yihiin Dowladda cusub.

Afhayeenka ayaa wuxuu Madaxweynaha uu ugu baaqay in uu wada kasbado taageerada Ummada Somaliyeed oo idil, isagoona ugu baaqay in uu soo magacaabo Raa’isal Wasaare wanaagsan, oo wax u qaban kara shacabka Somaliyeed.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 15, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login