Kooxaha burcadbadeeda oo laga sheegayo wadamo kale

Saxaafada Caalamka iyo Qabiirada ku xeel dheer dhaq dhaqaaqa Burcad badeedka wexeey mudo hada laga joogo 2-sano ka hor sheegeen in wadamo badan oo Caalamka ku yaal eey ka dilaaci doonaan Dhaq dhaqaaqyo cusub oo dhanka Burcad badeeda ah. 

Qabiiradaan ayaa arintaan sabab uga dhigay ineey jiraan Dhalinyaro badan oo Shaqo la´aan ah kuwaas oo marka eey maqlaan Malaayiinta Dolar ee mar kasta u soo gacan gasha Burcad badeeda Soomaaliyeed iyagana ku fakari doonaan kiis arinkaan la mid ah si eey Lacag fara badan ku helaan.

Bilihii ugu dambeeyey ayaa waxaa la sheegay in cudurka Burcad Baddeeda uu ka dilaacay ama fara ba´an ku hayey dalalka Benin,Togo iyo Neeyjeeriya kuwaas oo koobiyeeya qaabka eey wax u af duubaan Burcad Badeeda Soomaalida oo la sheegay in Caalamka oo idil uu wax ka qaban waayey.

Markabkii ugu dambeeyey ayaa waxaa laga soo af duubay Jasiirada Porto Novo wexeeyna Burcad Badeedii soo afduubatay dalbadeen Lacag malaayiin Doolar ah si eey u sii daayaan Markabkaan cusub . 

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 15, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login