Madaweynaha cusub ee Soomaaliya oo maanta qaabilay wafuud ka socotay Qaramada Midoobay

 

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya pro.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya Wafdi ka socday Qaramada Midoobey kaas oo uu  hogaaminayay Kuxigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan  Soomaaliya mr.Antonym Burneury.

Warar hoose ayaa sheegaya in kulanka looga hadlay sidii loo adkeen lahaawada shaqeen dhex marta  dowlada cusub ee uu hogamiyo Xasan shiikh iyo waxyaabo ku saabsan doorashdii dhacday in qaramada midoobay aay ku qanacday soona dhaweyneeyso , kulanka ayaa mid saacado badan qaatay kaas oo lagu lafa guray arimo badan oo la xiriira xaalada dalka .

Mr Antonym oo saxaafda la hadlay ka dib markii uu soo idlaaday shirkii uu la qaatay madaxweynaha ayaa ugu  horeen sheegay in uu hanbbalyo uga sido xoghayaha guud ee qaramada midoobay mr.Ban ki Mun waxow na sheegay in isaga iyo madaxweynaha aay waxyaabo badan ka wada hadleen aayna isku afgarteen, Waxaa kale uu sheegay inuu rajeynayo in Madaxweynaha cusub uu dalka gaarsiiyo horumar, isla markaana Qaramada Midoobey ay la shaqeyn doonto Dowladda cusub.

Dhanka kale madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo gudoomiyaha baarlamaanka oo wada qabtay  shir jaraa,id gudaha  madaxtooyada  ayeey uga hadleen arimo ku saabsan dalka isagoo madaxweynuhu sheegay in uu dhamaaday khilaafkii soo kala dhaxgalijiray mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayna bilaabatay wadashaqeyn iyo iskaashibuuxo oo dhexmara golaha fulinta iyo golaha sharci dajinta .

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha baarlamanka ayaa waxa ay qeexeen in uu dhamaaday khilaafkii soo kala dhaxgalijiray Mas’uuliyiinta dowladda ayna jiri doonin is khilaaf dambe,madaxweynaha ayaa intaa ku daray in ahmiyada koobaad uu siin doono arimaha ku saabsan  amaanka dalka si dadka ay u heleen nabadda iyo kala dambeyn lana dhisayo hay’adihii garsoorka si shacabka loogu dhaqo cadaalad.

Mar uu ka hadlayay Madaxweynaha ciidamada iyo shaqsiyaadka lagu soo oogo dambiyada ee lagu xiro xabsiyada in aan loo sameyn doonin cafis uuna dhameysan doono mudadii ay maxkadama ku xukunta xabsiga, isagoo sheegay in aan laga aqabali doonnin dadka u shaqeeya dowlada ha ahaaado waziir ama xilibaan ama qof kale in uu daba kaco qof aay xireen ciidamada dowladu isagoo sheegay in aay dhamaatay xiligaas, waxaa kaloo sheegay in uu soo dhaweynaayo ciidamada Alshabab hadii aay diyaar u yihiin wada hadal balse kuwa ajaanibtaa aay ka baxaan dalka.

Dhanka kale guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ugu horeyn la hadlay waraabhinta ayaa tilmaamay in dowladan cusub ay tahay mid uu ka dhaxeeyo wadashaeyn ayna tahay mid ku adeegeysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale afhayeenka Baarlamanka ayaa ayaa ku goodiyay in aan loo dulqaadan doonin waxyaabaha sharcidarada ah maadaama hay’adda sharcidajinta ah ay yihiin baarlamanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu bari qubad ka jeediyo xaflada caleemo saarka isagoo xilka kala wareegaayo madaxweynihii hore ee dowladii kumeel gaarka ee xiliigeedu dhamaaday Shariif Shiikh Axmed.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 15, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.