Wasaaradda Gaadiidka cirka dhulka iyo Badda ee Jamhuuriyda federaaliga ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday maanta in dib loo bilaabi doono nadaamankii lagu kala hagijiray gaadiidka dadweynaha ee u kala goosha dhamaan dagmooyinka gobolka Banaadir iyadoo lagala kaashan doono maamulka Gobolka Banaadir.
Sida uu sheegay agaasimaha Guud ee wasaaradda gaadiidka Cirka Dhulka iyo Badda Maxamed Cusmaan Cali “Dhagaxtuur” xili maanta shir Jaraa’id uu ku qabtay xafiiskiisa ayuu sheegay in wasaaradda uu madaxda ka yahay ay sameyn doonto soona celin doonto nidaamkii iyo shuruucdii lagu kala hagi jiray gaadiidka dadweynaha ee ka howlgalo Muqdisho si loo yareeyo loogana hortago inuu yimaado yaraadaan mashquul iyo ciriiriga ka jiro wadooyinka magaalada muqdisho gaar ahaan wadada Maka Almukarama iyo wadada Wadnaha.
Sidoo kale agaasimaha Guud waxa uu sheegay in arrinta kala xadeynta gawaarida dadweynaha ay keentay kadib markii uu ciriir farabadan ka imaaday wadooyin iyo gaadiidka oo bilaabay isticmaalka wadooyin aan munaasab aheyn.
Muqdisho ayaa waayahaan u muuqaneeysay mid soo celineyo bilicdeedi iyadoo la dareemaayo ciriiri dhanka gwaarida ah mar aad mareeyso wadooyinka magaalada iyo darawalada wado gawaarida dadweynahana aay san laheyn qibrad ku filan .
![]() |
You must be logged in to post a comment Login