Abwaan Sangub oo Muqdisho soo gaaray

Abwaaniin uu hogaaminayey Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Sangub iyo fanaaniin reer Jabuuti ah gaar ahaan Kooxda Hobolada qaranka ee Deegaan ayaa maalinimadi shalay soo gaaray magaalada MuqdishoWaxaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho oo

Abwaan Sangub oo la hadlay  bahda saxaafada markii uu soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in muuqaalka magaalada uu ka duwanyahay sidii ay ku maqli jireen, isagoo bogaadiyay horumarka iyo is bedelka ka jira Caasimada .

“Anaga sidii naloo sheegayay oo aan aheyn sidii aan fileynay ayaan aragnay, waxaa ku soo noqday sidii aan ogaa si ka duwan, anaga madax ayaa na watada, waxaan u nimid inaan ka qeyb qaadano Munaasabada Caleema saarka Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud” ayuu yiri Abwaan Sangub.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Kooxda Hobolada reer Jabuuti ee deegaan Abwaan Maxamed Xasan Nigil ayaa tix gabay ku cabiray imaanshahooda Muqdisho, isagoo is weydiiyay Ma runbaa ma riyaa inaan Xamar joogno, kooxdii deegaan Xamar oo nabad ah ku timid.

 

Abdisalaan Joker |Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 16, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.