Barcelona oo 12 dhibic oo saafi ah ku Hogaamineysa La ligaha Isbeyn 2012-2013,iyo Sevilla oo Sawirtay Real Madrid………
Kooxda Barcelona ayaa 12 dhibcood oo saafi ah ku Hogaamineysa Horyaalka La ligaha Isbeyn 2012-2013 ka dib Markii ay kulankeedii 4 ee lugta hore ee Horyaalkaasi ay Xalay ku garaacday Getafe 4-1 waxaan goolashaasi 2 ka mida uu uu mid Rogoore ahaa qalinka ku duugay Messi oo sidaa ku yeeshay 6 gool.
barcelona aya Ciyaartaan aad u gacan sareysay isla markaana kubada sida ay doonto ugu Maamulaneysay garoonka Getafe waxaan bandhiga Goolsha qeybtii hore u daahfuray Difaacooda Reer Brazil Adriano Daqiiqadii 32 waxaan qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 Barcelona Hogaanka ku hayeen.
qeybtii 2 waxaa Badel ku soo galay Messi Xidiga naadiga Barcelona waxaan uu durbadiiba wax ka badalay Ciyaarta isagoo shabqa ku Malaasay Rigoore lagu galay Pedro Daqiqiadii 74,4 daqiiqo ka dib isla messi aaya dhaliyay Goolak 3 kaasoo quus galiyay Kooxda Getafe.
Daqiiqadii 80 Kubad uu laaday Ciyaaryahanka Lambarka 8 u sitay Getafe ayaa madaxa waxa ay uga sii dhacday Mescherano oo difaaca Barcelona ka tirsan sidaana kubadii shabaqa u sii hiigsatay.
dhamaadkii ciyaarta waxaa u afareeyay Getafe Ciyaaryahan Villa waxaana Ciyaartii ay ku dhamatay Barcelona oo 4-1 ku Garaacday Getafe.
Real madrid oo iyaduna booqatay Saville waxaa lagu soo sagootiyay 1-0 taasoo dhabarjab ku noqotay Mourinho iyo Kooxdiisa Real madrid oo soo rucelynaya 4 dhibcood halak Kooxdii Xifaaltanku kala dhaxeeyay ee Barcelona ay 12 dhibcood ku horkaceyso Horyaalak la ligaha Isbeyn 2012-2013 waxaan guuldaradaan ay u noqotay Real Madrid tii 2 ee ku habsata tan iyo markii la daahfuray Horyaalak iyadoo ciyaartay 4 kulan oo mid ka mida ay badisay ,midna barvbardhac ay heshay 2 kulana laga badiyay.
Kulmadii kale ee la ciyaaray Shalay Horyaalka laligaha isbeyn 2012-2013 waxaa Fooda is daray Kooxaha Malaga vs Levante 3-1, Valencia vs Celta de vigo 2-1.
Waxaa Diyaariyay | Axmed Maxamed Cabdulle ‘Uurdoox’ | Uurdoox2011@hotmail.com
________________________________________________________________
Share on Facebook
![]()
|
![]() |
Socialize